Libaax muruxsan oo caasha biyo kulu dusha uga shubtay
Bari baa nin iyo xaaskiis daganaa dhul hawda oo bahgooyo ah (cidla ah) oon reero kale ka ag dhawayn, xoolihii ay dhaqanayeen oo adhi iyo lo’ isugu jirey ayaa liibaax ka bartay.
Liibaaxu wuxuu habeen walba u soo dhici jirey oo neef kala bixi jirey xerada adhiga , galabtii ayaa ninkii iyo xaaskiisa oo caasho magaceedu ahaa waxay is ku raaceen in dhinaca liibaaxu xerada uga soo dhaco keyl dheer( god ama booraan hoos u dheer) laga qado si uu liibaaxa ugu dhaco.
Maqribkii ayay meeshii liibaaxu xerada uga soo dhici jirey god dheer ka qodeen afkana xaaabo yar ka saareen , saqdii dhexe ayaa liibaaxii oo guureynayaahi wuxuu isku dayay inuu sidii caadada u ahaydba xerada u dhaco oo neef kala baxo hayeeshee xaabadii ayaa la duntay oo godkii ayuu dhaxda uga dhacay.
Ninkii markuu ogaaday inuu liibaaxii godka ku dhacay kana bixi waayey ayuu isi soo dul taagey, wuxuuna yidhi naa caashay biyo dabka ii saar markay si feecan u kararaan oo kululaadaana ii keen aan liibaaxa ku gobee.
Caasho ayadoo amarkii saygeeda fulinaysa ayay dhari wayn oo biyo ah dabka saartay, markay aad u kululaadeen ayay baaquli u soo dartay oo u keentay, intuu liibaaxii dusha uga shubay ayuu yidhi caasho biyo kaloo karkarsan ii keen sidii bay sameysay.
Markii liibaaxii 5 baaquli oo biyo karsan ah lagu shubay ninkiina uu baaquli lixaad dalbaday asagoo leh caashay biyo karkarsan ii keen ayaa liibaaxii oo murmuruxsani godkii tuuryo uga baxay banaankana u cararay.
Liibaaxii markuu keymihii uu aalaaba maalinta ku maadan jirey dhaxgalay ayaa waxaa mur-muruxsanaantiisa iyo dhaawaca ku yaalba layaabay asxaabtiisii liibaaxyada ahaa, waxayna waydiiyeen sida wax u dhaceen.
Wuxuu ugu jawaabay nin naag caasho la yiraahdo qaba oo halkaa dagan baa sidaan ii galay , dhamaan liibaaxyadii goobta fadhiyay ayaa arrintaa ka xumaaday waxayna go’aan ku gaareen inay saaxiibkood u aaraan oo ay caasho iyo ninkeeda barqadii weerar dhan walba ah ku qaadaan.
Caasho oo safar gaaban ku maqan balse ninkeedu uu aqalka hor fadhiyo ayaa dhan kasta liibaaxyo weerarihi ka soo galeen, markuu arkay liibaaxyada ku soo wajahan ayuu geed dheer fuulay.
Liibaaxyadii geedkii uu ninku saarnaa ayay soo hoos istaageen , waxayna durbadiiba isku raaceen in maadaama geedku dheeryahay midba mid kor fuulo si ninka loo soo qabto.
15 liibaax ayaa is kor fuulay waxaana midka ugu hooseeya laga dhigey kii ay caasho iyo ninkeedu gubeen kadib markii uu asagu sidaa codsaday .
Mar uu kii ugu koreeyay ninkii u dhawaaday gacantana ku dhigi rabo ayuu ninkii wuxuu cod dheer ku yiri caashoy biyo karkarsan ii keen , kii ugu hooseeyay oo ahaa midkii horey u gubtay walina xanfafkii dareemaya ayaa codkaa maqalay, wuxuu is yiri malaha waaba run oo biyo karkarsan ayaa meesha yaal mar labaad ayaana lagu gubi rabaa.
Mar qura ayuu ka hoos baxay asaxaabtii ka koreysay waana cararay hayeeshee kuwii ka koreeyay ayaa soo daatay oo mid jaban iyo mid jiisa noqday oo meeshii ku baaba’ay sidaas ayaana weerarkii ku fashilmay ninkiina ku badbaaday !