Home Afsomali Sheekooy Ku nacay siyaasiyiin Soomaali ah oo Qabrigii meelaz zenaawi carro (...

Sheekooy Ku nacay siyaasiyiin Soomaali ah oo Qabrigii meelaz zenaawi carro ( Turaab) ka qaatay ”.

Ilaaliyaha Qabriga Melez iyo Siyaarada Soomaalida.

Galab maqrib ah ayaa koox koox ciidamo ah oo wata gaadiid waaweyn iyo kuwo yar yar waxay soo gaareen meel bannaan ah oo burshub yar iiga dhisnaa, maalmo ka hor ayay ahayd markii aan ku fikiray inaan halkaan isaga guuro.

Halkani waxay ku taalaa bartamaha Itoobiya, waa deegaan dadkiisu aysan lahayn wax dhaqaalo ah, qaarkood ayaa se beeraleey ah, waxay sanadkii soo saaraan xaddi aan badneyn oo qamadi iyo baradho ah, dhulkani waa buuraley qabow ah.

Raggii ayaa gaadiidkii si degennaan ah uga soo daadegay, koox koox ayay u istaageen kadibna lix nin oo ku lebisan dharka Ciidamada Milateriga Itoobiya ayaa waxay gaari milaterigu leeyahay oo calanka dalku ku gadaaman yahay ka soo dejiyeen santuuq , midka meydka ah kadibna dhulka ayay si taxaddar leh u dhigeen, gartay in halkaan qof miisaan leh lagu aasayo.

Ilaaladii la socotay meydka ayaa iigu yimid anigoo taagan burshubkeygii hortiisa, wax dhiillo ah iima aysan muujin, oo keliya salaan afka iyo madaxa ah ayaan is weydaarsannay, inkastoo mid gaaban oo ka mid ahaa uu indhaha igu gubay!

Baabuur kale oo bas ah ayaa waxaa ku yimid rag koofiyado kuwa boqorada loo ekeysiiyay xiran iyo dhar cadcad iyo koox muusikada tunta (Bambeyda Ciidanka) waxay beegsadeen meel xoogaa ka fog halkii santuuqa la dhigay. Halkaas waxaa ka qodnaa god loogu talagalay meydka. Dhammaan dadkii goobta yimid ayaa isku gadaamay godkii, markaas kadibna waxaa bilaawday muusik, oohin iyo hadallo lagu amaanayo qofka meydka ah, markaas ayaan gartay in halkan lagu duugayo hoggaamiyihii waddankeyga Itoobiya ee Meles Zenawi. Waxay goobta ka sheegeen kaalintiisii iyo heerkiisii waxqabad kadibna halkii baa lagu aasay , dadkiina waxay bilaabeen inay goobta isaga tagaan.

Waxaa waxyar kadib goobtii dib ugu soo laabtay ninkii gaabnaa iyo dhowr kale oo la socotay, waxayna soo gargaraaceen albaabkii gurigeyga, waan ka furay, ninkii gaabnaa ayaa iagu yiri ”Howsha halkaan aannu ka heynay ma taqaannaa? Waxaan ugu jawaabay ”Haa, meyd ayaad halkaan ku aasteen” Intuu koofi madaxa u saarneyd si tartiib ah isaga dejiyay ayuu igu yiri ”Waxaa sharaf kuu ah in dhowr tilaabo meel kuu jirta lagu aaso hoggaamiyihii aan jecleyn ee Melez, waxaan fileynaa inay kuu tahay fursad weyn, waxaana lagaa doonayaa inaad ilaaliso qabriga, waadna mahadsan tahay” Ninkii gaabnaa iyo raggii la socday markiiba wey laabteen, aniguna markiiba qolkii ayaan hoosta ka xirtay anigoo la yaaban sababta halkaan cidlada ah loo keenay meydka hoggaamiyiheenii weynaa.

Aniga magaceygu waa Geetu, da’deydu waa 43 jir, weligey waxba ma baran, waxaa guudka iga fuulay faqri iyo dhaqaale xumo adduun, waxaan ka ka mid ahay beeraleyda baradhada, mushaarka aan ka helo kuma filna nolasheyda, waxaan ahay Itoobiyaan iska dhal ah.

Dhowr maalmood kadib goor galab ah anigoo daalan oo shaqadii ka soo rawaxay ayaan meel aan u dheereyn qabriga waxaan ku arkay rag baabuur wata oo tarjubaan xabashi ah wata, waxayna i weydiiyeen bal inaan garanayo Qabriga Melez Zenawi, oo waxay u ekaayeen kuwo jidkii ka lunsan, markiibana anigoo difaacaya dardaarankii Taliyihii shaarbaha weynaa ayaan la soo booday ”Maxay ahayd ujeeddadiinu?” Tarjubaankii Xabashiga ahaa ayaa intuu iyagii la hadlay igu yiri ”Waa siyaasiyiin Soomaali ah, waxay doonayaan inay soo siyaartaan qabriga hoggaamiyaha, si ay u muujiyaan sida ay daacad ay igu yihiin danaha dowladdeena, waxay doonayaan in loo ogolaado

Anigu runtii waan ogaa in dalkii Soomaaliya uu burburay balse ma fileynin in halkaan aan ku arki doono madax Soomaali ah oo siyaaro u imaaneysa qabriga Melez, waayo wuxuu ahaa ninkii ciidmada Itoobiya geliyay Soomaaliya ilaa caasimadda, halkaas oo maliishiyaad badan oo Soomaali ah ay ku xasuuqeen”.

Tirada dadka marka lagu daro Tarjubaanka waa sagaal qofood oo waxay wataan laba gaari oo Toyota ah, nin oday ah oo jaakat madoow iyo ookiyaalo ku lebisan, oo ag fadhiyay tarjubaanka ayaa tarjubaankii dhegta wax ugu sheegay, markaas baa tarjubaankiinna intuu ii soo dhowaaday ayuu igu yiri ”dhibka dhaaf oo martida soo dhowee, gacantana wuxuu iigu laabay xoogaa lacag ah oo markii aan hubiyay aan la waalan gaaray”

Ilaaliyaha Qabriga Melez iyo Siyaarada Soomaalida. Q 3aad

Maalintii xigtay waxaa goobta soo gaaray baabuur xamuul ah oo laga buuxiyay dhagxaan laban ah iyo biraha shubka, waxaa gelbinayay qeybta farsamada ee Ciidamada Milateriga, waxayna doonayeen inay dhisaan qabriga.

Dhowr maalmood gudahood ayay qabrigii ku buufiyeen rinji caddeys ah kadibna sawirkii hoggaamiyaha ayay dhinac ka sureen, wajahadda horena waxay ku sawireen calaamadda isku-tilaabta ee masiixiyiinta. Booqashada dadka imaanaya waxaa ugu badan dadka Itoobiyaanka ah gaar ahaan qowmiyadda uu ka soo jeeday ee Tigreega ah.

Waxaa kale oo soo booqanayay dad caddaan ah oo ka kala yimid dunnida, waxaana laga yaabaa in badankood ay ahaayeen kuwo dalxiis ah ama kuwa diimaha, mararka qaar waxaa la socday carruurtooda dadka halkaan imaanaya.

Meel aan u dheereyn qabriga ayaa laga dhisay guryo gaagaaban oo ganacsi loogu talagalay, waxaan mar dambe maqlay in qolo Soomaali ah ay halkaas ka furatay, waxaa kale oo aan maqlay in dhul dhanka shishe qabriga ka xiga loo ooday xer Soomaali ah, oo rug ka dhigatay goobtaas, xertaan ayaa sidoo kale saldhig ku leh, dhulka maamulka Soomaalida Itoobiya.

Ka sokow madaxda Soomaalida, waxaa goobtan imaanayay oo welibana dhaqaalo ku bixinayay safiirada Soomaalida iyo agaasimayaasha madaxda la socda xilliga ay dalkan soo booqanayaan ama iskood u yimaada.

Hoggaamiyihii dhintay wuxuu xirriir wanaagsan la lahaa madaxda maamul goboleedyada Soomaalida, run ahaantii iyaguna abaalkii uu u galay wey gudeen waayo ma jiro qof aan imaanin Itoobiya kadibna aan soo siyaaran qabrigan, waxay ku bixiyaan dhaqaale dhismaha laga wado agagaarka qabriga.
Hadiyadaha ay keenaan waxaa ka mid ah ubaxyo, raashin iyo salaan weji furanaan iyo muxibbo xambaarsan oo ay la wadaagaan dadka deegaanka ah kadibna waxay beegtaan ciid lagu barxay midda qabriga oo ay faraqa ku qaataan, iyagoo ula safra guryahoodii Soomaaliya si ay u adkeeyaan ballantii iyo axdigii hoggaamiyaha, qaarkood waxay cabbaan tahliil ay tufaan xerta Soomaalida ah ee qabriga agtiisa deggan.

Waxyaabaha aan ku xusuusto madaxda Soomaalida waxaa ka mid ah inay marwalba ku soo celceliyaan in maalin aan dheereyn ay midoobi doonaan Itoobiya iyo maamulada Soomaaliya oo meesha laga saari doonno cadaawadda siyaasadda ku dhisan ee laga dhex abuuray labada shacab ee walaalaha ah, iyadoo tilaabooyinka lagu xoojinnayo arrimahan ay horay uga bilowdeen qaar ka mida maamulada federaalka.

Dhammaad

La soco qeybta 2aad
Xasan Cali Dhaaley




Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.