Home Afsomali Sheikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Xabsiga loo Taxaabay

Sheikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Xabsiga loo Taxaabay

BREAKING Ethiopian forces in Baidoa arrest former #Alshabab deputy leader Mukhtar Robow and presidential candidate of south west regional state in raid Somalia

Wararka naga soo gaaraya Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadii dhawaan Dowladda geysay Magalada Baydhabo  ay Xabsiga dhigeen Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Ciidamada ayaa tegay Hoyga uu Baydhabo ka degan yahay Muqtaar Roobow,waxaana la sheegay inay halkaasi ka wateen.

Wariyeyaal ku sugan Magalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegeen in Gudaha Magalada ay ka dhaceyso rasaas.

Isgaarsiinta Magalada Baydhabo ayaa la jaray,taas oo yareysay in xogo badan laga helo Magalada Baydhabo,hayeeshee wararka qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan in howlgalka lagu qabtay Muqtaar Roobow ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada Itoobiya.

Muqtaar roobow ayaa xilligaan ka mid ahaa Musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxaana horay Wasaaradda amniga ay u shaacisay in uusan u tartami karin xilka Madaxweynaha Maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.