- K
Musharixiin kala ah, Cabdiraxmaan Faroole, Sheikh Shariif iyo Saacid Shirdoon ayaa hey.adaha amniga fariin uga soo direy dalka ugaanka oo ay kulan sadax geesood ah ku yeeshay
War- Murti eed.
Annagoo ah Murashixiinta Madaxweyne ee hoos ku qoran, waxaanu si wadajir ah u soo dhawaynaynaa doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Somaliya, isla markaana u hambalyeynaynaa Guddoomiyaha iyo Iabada ku-xigeen ee la doortay.
War-murtiyeedkan, waxaannu dhammaan Umadda Somaliyeed, Xildhibaanada Iabada Aqal ee Ia doortay iyo ciddii kale ay khusayso ugu baaqaynaa:
1-In ay wax walba ka hormariyaan maslaxdda dalka, danahooda gaarka ahna ka hormariyaan danta guud, meelna iska dhigaan aragtida xun ee qabyaaladdu leedahay.
2-In Xildhibaanada qaranku ay maanta dalka ku samata-bixyaan u doorashada xilka Madaxweynaha muwaadin ka saari kara dhibaatada iyo maamul xumada ragaadisey horumarkii iyo rajadii ummadda, kana ilaashaan in xilka madaxtinimada dhaqaale loo adeegsado.
3-Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Hay’adaha iyo taliyeyaasha Amniga Qaranka inay dhexdhexaad ka ahaadaan hannaanka doorashada ee dalka.
4-Si dhibaatooyinka dabiiciga ah iyo bur-burka qaranimo looga baxo, waxaan soo jeedinaynaa in marka hore ILAAH loo noqdo, guud ahaanna Ia is-oafiyo, laguna dhaqaaqo dib-u-heshiisiin guud 00 ka hirgaasha Somaliya dhammaanteed.
5-Waxaan ugu baaqaynaa dawladaha shisheeye ee faragalinta ku haya hannaanka doorashada dalka in ay faraha kala baxaan, xurmeeyaan madax-banaanida dalka,isla markaana la xaqiijiyo in doorashadu ku dhaodo caddaalad iyo hufnaan.
6-Maadaama ay dalka ka jirto abaar baahsan oo dad iyo duunyaba saamaysay, waxaan ugu horreyntii u qaylo dhaamaynaa in gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka tabaalaysan ee miyiga iyo kuwooda magaalooyinka iyo tuulooyinka ku soo xerooday.
Dawlada Federalka ah, Maamul Goboleedyada, Hantiilayaasha ,Qurba joogta Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka Caalamiga ah, waxaan ugu baaqaynaa inay deg-deg isugu taagaan, waxtarkoodana ay Iaba jibaaraan si loo loo yareeyo dhibaatada waxyeelada taagan. Dawladdaha Somaliya taageera annagoo uga mahadoelinayna waxtarkooda joogtada ah, waxaan weydiisanaynaa in ay arrintaas abaaraha gurmad dedeg ah ka geystaan. Si gaar ah waxaan Culumaa’udiinka uga mahad celinaynaa gurmadka ay ka wadaan degaamada qaarkood, waxaanuna waydiisanaynaa inay balaariyaan.
Waxaannu aad uga xunnahay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan maamul goboleedka Gal-Mudug, waxaannu ugu baaqaynay in arrinta si nabad gelyo ah oo waafaqsan Dastuurka maamul goboleedka Iagu dhammeeyo.
Wa Bilaahi Tawfiiq:
Mudane Shariif Sh. Axmed
Mudane Cabdi Farax Shirdoon
Mudane Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamud Farole
https://youtu.be/_JzDaxj-c6c
https://youtu.be/_JzDaxj-c6c
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0