Home Afsomali Shiinaha dadka oo falastiin u Aqoonsaday Dowlad Madaxbanaan

Shiinaha dadka oo falastiin u Aqoonsaday Dowlad Madaxbanaan

Dowladda Shiinaha ayaa ku baaqday in la aasaaso dawlad Falastiin ah oo leh madaxbannaani iyo xoriyad buuxda, taasoo ay caasimaddeedu noqon doonto bariga Magaalada Qudus.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Shiinaha, Lu Kang, ayaa sheegay inay Beijing dareensan tahay walaaca ay ka qabaan waddamada Muslimiinta ah xaaladda xuduudaha la haysto, taasoo sare usii qaadday markii uu Madaxweyne Mareykanka Donald Trump ku dhawaaqay inay Qudus tahay Caasimadda Maamulka Yahuudda.

“Waxaan taageersanahay in wada xaajood wax lagu dhammeeyo, iyada oo la raacayo heshiiskii caalamiga ahaa ee Qaramada Midoobey ,Waxaan sidoo kale taageersanahay sidii loo dhisi lahaa Dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah, taasoo ay caasimaddeedu tahay Jerusalaam (Qudus) kuna salaysan xuduuddii 1967-kii.”ayuu yiri Lu Kang.

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa Todobaadkii hore sheegay inay Magaalada Qudus tahay caasimadda Yahuudda,una rari doono Safaaraddiisa, taasoo ka caraysiisay Dowladaha Muslimiinta intooda badan.

Isha: Press TV

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.