Inta la ogyahay 9 qof oo labada dhinac ah ayaa geeriyooday, halka toboneeyo kalena ay ku dhaawacmeen dagaal xalay soo gaaray oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Bali-daleel ee duleedka Santarka dalanbiya ee Degmada shilaabo ee gobalka Qoroxeey Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Dagaalkaan oo daba socda dilal ka dhacay maalmihii ugu dambeeyay Deegaankaasi ayaa waxaa jira gurmadyo xooggan oo ay kala helayeen dhinacyada dagaalamay.
Dhinaycada ku dhaawacmay dagaalkii cuslaa ayaa waxaa loo kala qaaday degmooyinka Guriceel iyo Shilaabo
Wali laamaha amniga Dowlad deegaanka Soomaalida kama aysan hadlin colaadaan ka aloosan deegaanadaasi.
Xaaladda deegaanka Bali daleel ayaa haatan kacsan waxaana mar kasta laga filaan karaa dagaal kale oo dhexmaray maleeshiyaadka dagaalamay.
Sidoo kale ma jiro ciidan loo diray dhinacyada dagaalamay.