Home Afsomali Shir laga yeeshay Amniga Guud ee Gobolka Gedo

Shir laga yeeshay Amniga Guud ee Gobolka Gedo

Shirka oo looga hadlayey sare u qaadida Nabadgalyada iyo Ammaanka guud ee Degmooyinka iyo degaannada, Gobolka Gedo ayaa waxaa lau qabtay Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiisha ugu sarreeysa Ciidamada Boolisk,  Nabadsugida, Militeriga, Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo, Maamulada Doolow & Beled-Xaawo.

Inta uu socdey shirka ayaa waxaa la isku  weydaartey, xogaha amni ee muhiimka gaarka ah u leh Bulshada Soomaaliyeed, iyada oo la is farey in si wadajir ah la isaga kaashado.

Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Gedo ayaa faray dhamaan ciidamada qaybahooda kala duwan ee ku sugan Gobolka Gedo in ay sii laba jibaaraan Shaqooyinka Bulshada u hayaan iyo in si dhow ula socdaan dhaqdhaaq kasta oo Al-Shabaab ku doonayso in ay weeraro uga fuliso Gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.