Home Afsomali Shirjaraa’id : Musharax Cumar Cabdirashiid oo sheegaya in wadamada deriska faragelin ku...

Shirjaraa’id : Musharax Cumar Cabdirashiid oo sheegaya in wadamada deriska faragelin ku hayaan doorashada oo ay wataan hal musharax

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid
Cali Sharmaarke ayaa goordhow shaaca ka qaaday in Doorashada Madaxweynaha lagu
hayo faragalin adag.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa sheegay in Dowladaha deriska ah ay si ba’an faragalin
ugu hayaan Doorashada waxa uuna tilmaamay inay ka dhex shaqeynayaan
Musharaxiinta loolanka ku jira.

Ra’isul wasaare Cumar waxa uu tilmaamay in faragalintaasi ay sabab u tahay
wakhtiga lagu ballamay Doorashada oo soo dhawaatay.

Sharmaarke waxa uu sheegay in faragalinta lagu hayo Doorashada Somalia ay
dhibaato farabadan u keeni karto Umada Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay inay
muuqato in Shaqsiyaad gaara ay wataan dowladahaasi.

Hadalka Cumar C/rashiid ayaa imaanaya xili Musharaxiinta Madaxweynima doonka ah ay wataan Dowlado Shisheeye oo dano gaara ka leh Somalia.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in ay jiraan faragelin dowladaha dariska ay ku hayaan doorashada Soomaaliya,waxaana uu ugu baaqay Baarlamaanka in ay iska ilaaliyaan Faragelinta tooska ah ee wadamada dariska ay ku hayaan doorashada.

Waxaa uu sheegay in dalalka dariska ah  hadda faraha kula jira arrimaha doorashada iyo oo gacan siinaya musharax gaar ah.

”Waxaa jira culeysyo naga soo food saaraya wadamada dariska ah qaarkood oo musharax gaar ah u ol oleynaya, waxaan leenahay faragalinta naga daaya, umada Soomaaliyeed waa umad xor ah, ha loo daayo in ay aayahooda ka tashadaan.

Ra’iisal wasaare Sharma’arke ayaa sheegay in sidoo kale looga baahan yahay maamul gobolleedyada dalka in ay dhax dhaxaad ka noqdaan howlaha doorasho ee dalka ka socda.

” Anniga oo aan rabin in aan arimaha hoos u sii dhaxgalo waxaa jirta hiilin iyo siyaasad gaar ah oo la leeyahay musharax gaar ah hala siiyo codka, taasna waxaa ay noqon kartaa meel ka dhac iyo xadgudub ayuu yiri” ra’iisal wasaare Sharma’arke.

Xildhibaannada ayuu ugu baaqay in ay ka foojignadaan faragalinta kala duwan ee lagu hayo doorashada madaama ay u madaxbanaan yihiin go’aankooda.

Cumar C/rashiid Cali ayaa ka mid ah 24 Musharaxa oo u taagan doorashada xilka madaweynaha Soomaaliya ee la filayo in ay dhawaan dhacdo.

Ugu danbeyntii, musharixiinta la filayo in ay ku tartamayaa doorashada dhawaan ka dhici doonta dalka, ayaa qaarkood horay xilal uga soo qabtay dalka, halka kuwa kalana ay tahay markii ugu horeysay oo ay ka qeyb-gallaan doorashada.

C/raxmaan Diini

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.