Home Afsomali Shirka Aaya Ka Tashiga Gobolada SSC Oo Maanta Ka Furmaya Laascaanood

Shirka Aaya Ka Tashiga Gobolada SSC Oo Maanta Ka Furmaya Laascaanood

Shirweynaha Aaya-ka-tashiga Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn (SSC) ayaa maanta oo Sabti ah la filayaa inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Shirka oo maalmihii la soo dhaafay ay qaban qaabadiisa socotay waxaa diirada lagu saarayaa masiirka magaalada Laascaanood iyo sidio ciidamadda Somaliland ay isaga bixi lahaayeen magaaladan oo shacabka ay u sameysan lahaayeen maamul iyaga u gooniya

Hoggaanka Isimada Dhaqanka ee ugu sarreeya Beelaha SSC ayaa ku wada sugan halka shirkan lagu qabanayo, iyadoo la filayaa in lagu falanqeeyo sida laga yeelayo mustaqbalka goboladaasi oo sanadihii la soo dhaafay hoostagayay maamulka Somaliland.

Shirkan ayaa ka dhashay kacdoonka ay sameynayeen shacabka magalada oo ka carooday dilalka xargaha goostay ee Laascaanood loogu geysanayo haldoorka magaalada, waxaana magaaladaasi hareeyay dibadbaxyo ka dhan ahaa maamulka Hargeysa.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyadu si taxadar leh ula socota shirkan, waxaana la filayaa iney taageerto war-murtiyeedka lagu wado in shirka laga soo saaro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.