Home Afsomali SHIRKA AAYO-KA-TALINTA BEESHA MAXAMED AMMAAN REER (WAGARDHAC)

SHIRKA AAYO-KA-TALINTA BEESHA MAXAMED AMMAAN REER (WAGARDHAC)

SHIRKA AAYO-KA-TALINTA
BEESHA MAXAMED AMMAAN REER (WAGARDHAC)
WAR SAXAAFADEED
Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 20/05/2020, soo gabagaboobay Shirweynihii Aayo
Ka-Talinta Beelweynta Maxamed Ammaan Reer (Wagardhac) ee ka socday degmada
Caabudwaaq, hormuudna ay ka ahaayeen Odayaasha Dhaqanka.
Waxaa looga hadlay arimo muhiim ah oo taabanaya masiirka iyo mustaqbalka beesha,
gunaanadkiina wuxuu noqday:
– Kaddib markii beeshu garowsatay maamul kasta oo beelaha Sacad iyo Saleebaan majaraha u
hayeen ee ka dhisma Galmudug ay ka siman yihiin nacaybka iyo dulmiga qabyaaladaysan, dhul
boobka iyo barakicinta, haysashada hantida iyo deeganada beesha Maxamed Ammaan Reer
(Wagardhec), tii Sade guud ahaan iyo ku saami qaadashadooda.
– Kaddib markii beeshu garawsatay in Dawladda Federaalka ay ka gaabsatay dib-ulheshiisiin
walba.
– Kaddib markii beeshu garwaaqsatay inaysan jirin cid diyaar u ah dib-u-heshiisiin iyo wada
noolaansho heer maamul iyo mid dhaqan ee beelaha Sacad iyo Saleebaan ee Habar Gidir.
– Kaddib markii beeshu garawsatay inaysan Dawladda Dhexe door muhiim ah ku lahayn dhaqdhaqaaqa iyo kontoroolka ciidanka 21aad, NISA iyo Booliska ka hawlgala Galmudug.
– Kaddib markii beeshu aragtay in beelaha Habar Gidir ee Sacad iyo Saleebaan oo adeegsanaya awoodda ciidamada Federaalka ee ka hawlgala Galmudug ay deegaamayn sharci darro ah oo joogto ah ka wadaan dhammaan dhulkii beeshu ku lahayd Galmudug.
1
WAXAY BEESHU SHIRKEEDII KA SOO SAARTAY QODOBADA HOOS KU QORAN:

1. Waxay beeshu joojinaysaa dhammaan wixii wada shaqayn ahaa ee ay la lahayd madaxda iyo maamulka Galmudug ee Madaxweyne Qoor Qoor hoggaamiyo, inta laga xallinayo
dhibaatooyinka jira oo ay ugu horayso haysashada deegaannada beesha ku leedahay Galmudug.

2. Waxay beeshu garwaaqsatay, iskuna raacday sugidda amniga maatadeeda iyo deegaanadeeda, kana hortagto dulmiga beelaha dariska ah ee isticmaalaya ciidammada NISA,

21aad iyo maleeshiyo beeleedyo ka soo jeeda Cadaado iyo Koofurta Gaalkacyo.

3. Waxay beeshu ciidammo qabiil u aqoonsatay ciidammada Federalka ah ee ka hawl-gala Galmudug sida NISA, Boliiska iyo 21aad oo ay saraakiishoodu hogaaminaysay duulaankii bishii
April, 2020, lagu soo qaaday degmada Dhabbad iyo nawaaxigeeda, waxayna uga digaysaa
imaashaha iyo ka hawlgalidda deegaanada beeshu degto.
4. Waxay beeshu arrimaha nabadgalyada, horumarinta, waxbarashada, caafimaadka iyo dhamaan kaabayaasha aasaasiga nolosha ay toos u hoos tagi doontaa Dawladda Federaalka
Soomaaliya, ilaa xal waara laga gaarayo dulmiga ka jira maamulka Galmudug, isla markaana laga samaysanayo maamul la wada leeyahay.

5. Beeshu waxay gacmo furan ku soo dhaweynaysaa isku day kasta ee dib-u-heshiisiineed loogana gol leeyahay loo xallinta colaadaha nagala dhexeeya beelaha aannu dariska nahay.

Dhammaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.