Home Afsomali Shirka Baarlamaannada dalalka Afrika oo Maanta furmaya & Somalia oo ka qeyb...

Shirka Baarlamaannada dalalka Afrika oo Maanta furmaya & Somalia oo ka qeyb galeysa

Waxaa lagu wadaa in Maanta oo khamiis ah uu Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ka furmo Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika, waxaana Soomaaliya uga qeyb galaya Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Shirka oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo horumarin lahaa Baarlamaannada Afrika, iyaga oo madaxda ay is dhaafsadaan tallooyin kala duwan, waxaana inta uu shirka socdo ay madaxda dood adag ay yeelan doonaan.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika uu shirka ku soo  bandhigi doonaa horumarinta Golaha Shacabka iyo sidii wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Afrika iyo kan Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doonaa madaxda kale ee ka qeyb galeysa Shirka, isaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya & taageerada Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.