Home Afsomali Shirka Maaliyadda dalalka Afrika oo la soo geba-gabeeyay & Somalia oo ka...

Shirka Maaliyadda dalalka Afrika oo la soo geba-gabeeyay & Somalia oo ka qeyb gashay

Waxaa Magaalada Washingtorn ee dalka Mareykanka lagu soo geba-gabeeyay shirkii gaarka ahaa ee Miiska Gorfeynta Marxaladda Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Dalalka deeq-bixiyeyaasha oo hoggaan ay u yihiin hay’adda Lagacta Adduunka IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa ka qeyb galayaashii shirka la wadaagay dadaalka iyo horumarka ay Soomaaliya ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, sidii Dowladdu u fulisay dhammaan shuruudihii deyn-cafinta iyo taageerada looga baahan yahay Saaxiibada caalamka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in natiijo lagu farxo iyo taageero wada ogol ah ay kala kulmeen ka soo qayb galayaasha shirka gaarka ah ee dhinac socday shirka sanad laha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Bishii May ee sannadkan, Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ogolaatay inay kordhiso muddada ay ku bixinayso barnaamijka kaalmada maaliyadeed ee Soomaaliya. Go’aankan ayaa yimid ka dib markii Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay hoggaanka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.