Home Afsomali Shirka wadatashiga Qaran oo maalintii labaad Garowe ka soconayo

Shirka wadatashiga Qaran oo maalintii labaad Garowe ka soconayo

Waxaa magaalada Garowe ka soconaya maalintii labaad shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleeyda iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Jamahuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoominaya shirkan ayaa warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo dhaqaale ee dagaannada waxa uu ka dhageystay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada.
Kaddib intaas, madaxdu waxa ay guda galeen in ay ka wada hadlaan arrimaha masiiriga ah ee dalka oo ay ugu muhiimsan tahay xoojinta wada shaqeynta, horumarinta dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.
Jawiga guud ee shirka ayaa u muuqda mid xoojinaya isu soo dhawaanshaha Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Goboleedyada, iyadoona aysan ka muuqan shirka gacan saddexaad oo ku dhex jirta hoggaanka Soomaalida, waana arrin  si weyn loo hadal hayo, rajana ay ka muujiyeen qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed shirkan uu miro dhal wanaagsan ku yeesho dadaallada horumarineed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.