Home Afsomali Shirkada daallo oo gabagabo u  mareyso daabulida Xujeyda sanadkaan

Shirkada daallo oo gabagabo u  mareyso daabulida Xujeyda sanadkaan

Shirkada daallo oo gabagabo u  mareyso daabulida Xujeyda sanadkaan

Maamulka iyo masuuliyiinta sare ee shirkada diyaaradaha daallo airline ayaa sheegay in xujeydii ugu danbeysay oo ka kooban 148 ay goor dhow u duulayaan dalka sacuudiga si ay u soo gutaan acmaasha xajka ee sanadkaan

Masuul u hadlay shirkada ayaa xusay in sanadkaan shirkadu fiiso u soo qaaday in ka badan 360 kuwaas oo intooda badan horey shirkadu u geysay Xajka

Halka 17 Xaaji oo ka dib dhacay waqtigii diyaarada ay duuleysay ay qorsheysanayana in ay wadamada dariska ah sida Ethiopia Kenya ama Djibouti ay duulimaad ka raadsadaan

Shirkada ayaa sheegtay in sanadkaan xujeyda ay u diyaarisay howlo iyo adeegyo kala duwan oo dheeraad ah ka dib markii ay madaxda shirkadu amamrtay in rakaabka diyaarada loo qabto adeegyada ay u baahdaan

Shirkada dulimaadka daallo airline iyo wasaarada diinta iyo owqaafta waxaa ka dhaxeeya heshiis ah in xujaayda Somaaliyeed ee Martida ilaahey ah si sharciga waafaqsan loogu shaqeeyo
Waxanya beeniyeen wararka jilicsan ee ay faafinayaa dadka ay ku sheegeen wax ma garatada ee si xun waz u sheega ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.