Home Afsomali Shirkada Ecco oo lagu eedeeyey Guri qasahina ka qaad oo guri kale...

Shirkada Ecco oo lagu eedeeyey Guri qasahina ka qaad oo guri kale hortiisa dhig

Shirkada ecco oo qaabilsan nadaafada muqdisho ayaa lagu eedeeyey in ay  qashinka ku shubta bartamaha magaalada.

Shirkada Qaabilsan Nadaafada Muqdisho ee Ecco waa shirkad muqdisho kutaalo waxa ay ka shaqeysaa naafada degaanka balse qashinka ay ka soo qaado bulshada waxa ay ku shubtaa bartamaha magalada.

Mootooyin yar yar oo loo sameeyay Dhalinyarada ayaa umuuqata mid shaqa abuur u ah dhalinyarada Muqdisho dibna usoo celinaysa Bilicda Magaalada.

Hasa Yeeshee waxaa jirta in xiligaan ay qashinka ku shubto Shirkadaasi meel ay Bulshadu ku badan tahay oo hadana Hal-bowla u ah Magaalada Muqdisho,

Goobta ay qashinka Ku shubaan waxaa ka mid ah inta udhaxaysa Bacadlaha xamar wayne iyo Ceel-gaabta oo ah Meel dadku ay aad u isticmaalaan.

Shirkadaan ka Hor waxaa Magaalada Qashinka ka qaadi jiray dhalinyaro is xil qaantay oo Kiraysatay Gaadiid kala duwan waxa ayna Qashinka ay geeyn jireen Goobo ka baxsan Magaalada.

Hasa yeeshee waxaa hada Muuqata in qashinkii lagu shubayo Bartamah Magaalada Taas oo dhan kasta dhibaata ukeeneesa, marka laga eego Nadaafada, Amniga iyo Caafimaadka.

Maamulka Gobalka Banaadir wili ma uusan ka hadlin Maadaama Bilicda Magaalada uu xil ka saaran yahay.

Xigasho duhur.com

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.