Home Afsomali Shirkada Favori oo ku wargalisay shaqaalaheeda in aysan wax lacag Mushaar ah...

Shirkada Favori oo ku wargalisay shaqaalaheeda in aysan wax lacag Mushaar ah lahayn inta ay jirto xayiraada duulimaadyada uu Sababay Covid-19

Shirkada Favori ee ka howlgasha dakada iyo air porka Muqdisho ayaa ku wargalisay shaqaalaheeda in aysan wax lacag ah Mushaar lahayn inta ay jirto xayiraada duulimaadyada uu Sababay Covid-19

15 maalin ka hor ayaa arintaas lagu wargaliyey shaqaalaha Masuuliyiinta Dowlada Somaliyane weli Arinkaas wax jawaab ah kama bixin

bulshada Somaliyeed ayaa qabta in shirkada Favori ay tahay  Shirkada ugu xun ee Wadankeena Somalia kahowl gasha.

waxayna dhaliisha dusha u saaraan in Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ay gabtay shaqadeedii kana soo dhalaalin howshii loo igmaday maadaama ay shaqaalaha Dowladu mushaarkooda qaataan maxaa u diiday in shaqaale shirkad ajnabi ah ay shaqaalaheed sida ula dhaqanto

 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shaqadeedii qabsan weysey, Shirkadaha ajnabiga ee Dalka ka shaqeeyo waxay ahayd in marhore meel la saaro.

Waxaan filaa inay dowlada Somalia arintaan ka hadasho maadaama muwaadiniin Somali ah ay ka shaqeeyaan shirkadaan.. sababta shaqada loo joojiyayna ay tahay xalaad aduunka dhan qalqal galisay….

Shaqaalahu dano badan ayaa ku xariira xaas caruur iyo ehelo kale  ayaaa lacag ka sugaya ee Favori see rabtaa

Masuuliyiinta soomalidu qancinta ajaanibta waa muhimadooda kowaad walalkooda iyo kan la dhashay hogaanshe way u awood sheegtaan.

Ma ahayn in shisheeye macaasho oo sokeeya ka gaajaysnaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.