Home Afsomali Shirkada Korontada Beeco oo macaamiisheedu kaga shakiyeen in saacadahooda la farsameeyo si...

Shirkada Korontada Beeco oo macaamiisheedu kaga shakiyeen in saacadahooda la farsameeyo si ay Doolar Badan ugu dalacdo

Soomaaliya waxa ay  ka mid noqotay wadamada ugu qaalisan korontada guryahay laga isticmaalo.

Shirkada korontada beeco dadkuna ay u yaqaanaan beegato oo u dhaqan sidii hogaamiye kooxeed awood badan ayaa bulshada leh yaa dabaal ah oo duurka loo diraa ka dib markii ay la soo baxday farsamooyin aan bulshada raali galineyn culeysna ku ah .

Mid ka mid ah macaamiisha beegato ayaa somalisan u sheegay in qiyaas ahaa saacadiisu soo saari jirtay bishiiba 6 doolar kadibna shirkadu u sheegtay in la soo basrinaayo saacadiisa markii loo soo celiyeyna bishii xigtay ay soo saartay sadax jibaar intii ay horey u keeni jirtay  $16 .
Macmiilkaan ayaa intaa ku daray hadalkiisa in saacadiisa si toos ah loogu xirey matorka weyn ee dabka dhaliya xawaaraheedu u siyaado

Taasi oo inta badan lagu kiciyo saacadaha ay doonayaan in xawaare badan ku kordhiyaan

Shirkadaan ayaa la timid qiyaamooyin aan la dhayelsan karin ka dib markii bulshadu u dulqaadan weyday awaamiirta ay dul dhigtay ee la xariira ganacsiga ku dhisan qaab ka baxsan diinta islaamka iyo sharciga dowliga ah waxayna sitoos ah iyo si dadban u beegataa dhaqaalaha bulshada danyarta ah

Masuuliyiinta shirkada dabka korontada siisa qeybo la mid ah dagmooyinka gobolka banaadir ,Ayaa macaamiisheeda sharuudo badan hor dhigta waxaana ka mid ah macaamilkii saacadiisu keenin lacag ay ku qanacsan yihiin in la baaro saacada xafiiskana la geeyo si loo ogaado sababta keentay in ay soo saari weydo lacag badan ka dibna la kordhiyo rorodka saacada

Isticmaalayaasha korontada beeco ayaan qaarkood iska bixin karin qsrashka dabka ay soo saarto saacada guryaha loogu xirey ee xawaaraheeda sare loo qaaday waxaadna arkeysaa qaarkood oo ku soo hela shaxaad iyo tuugsi xili ay jirto  shaqa la.aan baahsan iyo shiid ragaadiyey dhaqaalahooda

Shirkada ayaa saacada dib ugu celiso macmiilka iyaga oo socodka saacada la soo fududeeyey  socodkeeda taasi oo macmiilka qarashkiisa bisha danbe ku soo dalacda sadax u jibaar qarashkii uu horey u bixin jiray waxaana macmiilka lagu wargaliyaa in tijaabadii ay ka baxda saacadiisu balse lagu jahwareeriyo in uu soo iibiyo quful iyo fure si amaanka saacada loogu kalsoonaado waxaana u sii dheer in uu bixiyo qarash kale oo ah  sanduuq lagu xafido saacada.

tan iyo wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhaexe ayaa qeybaha kala duwan ee ganacsatadu ka faaiideysanayeen howlihii ay qaban jirtay dowladu ,waxaana Shirkadu waxay isticmaashaa dhamaan qalabkii walaaladii xooga korontada u madda W.X.K.U iyo dhismayaashoodii

Waxay gacanta ku heysaa baalayaashii ‘xarumihii dowlada iyo shaqaalahii aqoonta u lahaay,koronta ay beegato bixiso malaha magdhow iyo shafo shafo cidii ay qalab ka gubto looma raacdo oo waa lama canaantaan mararka qaarna waxay geysataa qasaare dhimasho iyo mid hantiyadeed ka kooban ,waxaana la wada ogsoon yahay in ay sababatay gubashada suuqyo dhwr ah oo aan la isweydiin  inkasta oo aan cadeymo ku filan loo heyn hada dadka qaarkii ayaa yiraahda dabku qoronto ayuu ka kacay markiisii hore .
Hadaba ganacsiga sidaa ah ma yahay mid ay dani ugu jirto bulshada isticmaasha dabka ay bixiso ahirkada korontada beegato.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.