Home Afsomali Shirkii Dowlada iyo Maamul goboleedyada oo la isku afgartey in si mideysan...

Shirkii Dowlada iyo Maamul goboleedyada oo la isku afgartey in si mideysan looga qeyb galo shirka London Dowladuna ay Hugaamiso Soomaalida ( DAAWO SAWIRADA )

Shirkaan oo ah kii ugu horeeyay ee ay yeeshan Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada dhexe ayaa lagaga hadlayay qodobo kala duwan oo ay ugu muhiimsan yihiin.

Marxaladaha Siyaasadeed ee wadanku uu ku sugan yahay iyo sidii si wada jir ah looga shaqayn lahaa Siyaasad midaysan oo lagu hago dalka.

Xoojinta wada shaqaynta Dowlada Cusub ee Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Sidi Abaaraha ba’an ee dalka ka jira looga tashan lahaa gurmad loo dhan yahayna loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan.

Qaab dhismeedka iyo isku dhafka Ciidamada qalabka sida iyo qodobo kale.

Inta uu kulanku socday waxaa madaxdu ay figradahooda ka dhiibteen qaabka loo wajahayo shirka London iyadoo ay isla meel dhigeen in Siyaasad midaysan shirkaas lala tago si waxyaabo dalka anfaca ay uga soo baxaan.

Farmaajo ayaa dhinaca kale soo bandhigay sidii qorshe midaysan loola tagi lahaa shirka bisha soo socoto lagu qabanayo Magaalada London kaasoo looga hadlayo arrimaha Somalia.

Shirka maanta ka furmey Villa Somalia oo qaban-qaabaadiisa ay leedahay dawladda Federaalka ayaa waxa ka qeyb qaadanaya Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Puntland, K/Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabelle iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, kuwaasoo Magaalada Muqdisho ku yimid martiqaad ay ka heleen Dawladda Dhexe.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ay isugu yimaadaan madaxda dowlada Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada tan iyo intii madaxweynaha dalka loo doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweynayaasha dowlad gobobolleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle ayaa ka wada qeybgallaya shirkan oo uu daah furay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qodobada ugu muhiisan ee kulankan looga wada hadlayo ayaa lagu sheegayammaanka Qaranka, la dagaalanka Al-Shabaab, dar dar gelinta arrimaha isku dhafka Ciidamada iyo arrimaha shirka London.

Gaar ahaan dowladda federaalka ayaa kulanka xoogga ku saari doonta sidii madaxda maamul gobolleedyada ka dhisan dalka looga raaridi lahaa in ajende mideysan lala tago shirka bisha May ka furmaya magaalada London ee looga hadlayo xaalada Soomaaliya.

Kulanka oo lagu wado in maalinta beri ah la soo gabagabeeyo ayaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan qodobada lagu hishiiyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u sheegay in dowladiisa mudnaanta koowaad siin doonto hagaajinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka dhisan, waxaana muuqata in kulanka bilow u yahay balanqaadkii madaxweynaha.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.