Home Afsomali Shirkii Golaha wasiirada oo qodobo muhiim ah lagu ansixiyey

Shirkii Golaha wasiirada oo qodobo muhiim ah lagu ansixiyey

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay xaruntooda Muqdisho, ayaa lagu ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa soo saaray saddex qodob oo ku aadan hannaanka uu golughu u maray mee-marinta hannaanka doorashooyinka dalka, kuwaas oo kala ah:-

Qodobka 1-aad: Dhaqangelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka

1- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay go’aamisay dhammeystirka iyo dhaqangelinta Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu ku heshiiyay Golaha Wadatashiga Qaranka 27 Maajo 2023 .

3- Waxaa la farayaa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso in ay si degdeg ah uga hawlgalaan diyaarinta shuruucda loo baahan yahay ee lagu dhaqangelinayo heshiiska kor ku xusan.

3- Wixii wax-ka-beddel ah ee lagu sameynayo Dastuurka KMG ah waxaa loo soo diyaarinayaa si waafaqsan Cutubka 15aad ee Dastuurka KMG ah loona soo gudbinayaa Golaha Wasiirada J.F.S. si loo horgeeyo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Qodobka 2-aad: Dhammeystirka Habraacyada

4- Dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso waa in ay dhammeystiraan dhammaan habraacyada dastuuriga ah iyo kuwa latashiga ee lagama maarmaanka u ah dhaqangelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka, iyada oo la xeerinayo danta guud ee Qaranka.

5- Wasaarad kasta iyo hay’ad kasta oo kaalin ku leh dhaqangelinta go’aankaan waxaa lagula xisaabtami

doonaa hirgelinta kaalinteeda ku aaddan hirgelinta Heshiiska.

Qodobka 3-aad: Dhaqangalka Go’aankan

6- Go’aankan oo dhaqan galaya maanta oo Khamiis ah ayaa Golaha Wasiiradu aansixiyeen, isla markaana uu saxiixay Ra’iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka Golaha, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey dib ugu noqoshada ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee Sannadka 2023 iyo heshiisyada Ku Biiridda Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika iyo Ku Biiridda Suuqa Iskaashiga Ganacsiga ee Bariga iyo Koonfur Afrika (COMES)

Ugu dambeyn Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Golaha horkeentay warbixin la xiriirta qorshaha dowladda ee ku aaddan soo raridda Hay’ adaha UN-ka iyo kuwa kale Caalamiga ah ee Weli Xafiisyadu uga furan yihiin dalka Dibeddiisa, si ay dalka gudihiisa ugu howlgalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.