Home Afsomali Shirkii Madasha qaran oo laba garab u kala jabay natiijo la.aana lagu...

Shirkii Madasha qaran oo laba garab u kala jabay natiijo la.aana lagu kala dareeray

Madasha Hogaamiyayaasha

Hagaamiyayaasha shirka madasha qaran oo fadhigoodii ku kala kacay iyada oo aanay ka soo bixin wax go.aano iyo qodobo ah guuldarana ku idlaaday

Shirkii Muqdisho uga socday hogaamiyeyaasha madhasha qaran oo 7 maalmood oo xiriir ah ka dib isafgaran waa laga gudbi waayey dartii lagu kala dareerey iyada oo aaney ka soo bixin qodobo la isku raacsdan yahay .

Waxaana jira qodobada qaar oo lagu kala aragti duwanaaday halka kuwa kalana la isku afgartay .

Hogaamiyeyaasha ayaa dhaxdooda waxaa ka sameysmay isbaheysi waxana isku arati dhow noqday madaxweynaha dowlada Xasan Sheikh Maxamuud shariif xasan sheikh aadan madaxweynaha maamulka koofur galbeyd ee somaliya iyo madaxweynaha galmudug cabdikariin Xusen Guuleyd dhanka kalana waa madaxweynaha maamulka puntland Cabwei maxamed cali Gaas madaxweynaha maamulka jubbaland Axmed Islaan iyo raiisal wasaaraha xukuumada somaliya caumar Cabdirashiid Cali Sharma.arke   .

Ka qeybgalayaasha shirka ayaa la filayaa in ay markale isku arkaan shirka madaxweynayaasha wadamada IGAD marka uu Muqdisho ka furmo inkasta oo madaxda madasha qaarkood dib ugu laabteen deegaanada uu maamulkoodu ka taliyo .

Dhanka kale jawiga magaalada Muqdisho ayaa ah mid dagan waxaana jira bandow aan waqti laheyn oo ka dhaqan gashay taasi oo sababatay in ay xirnaadaan wadooyinka magaalada Muqdish oo aanay jirin wax gaadiid ah oo socda marka laga reebo gaadiidka dowlada dadkana waxaa ku wajibtay in ay lugeeyaan ilaa halkii ay dani ka gasho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.