Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud waxaa ka furmay shirweynaha lagu dhameystiryo heshiiska ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusun.
Shirweynahan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha Galmudug oo marti loo yahay iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyada oo uu shirkan ka maqan yahay Axmed Madoobe oo cudur daartay.
Sidoo kale Munaasabadan waxaa ku sugan xubnaha Beesha Caalamka oo ay ugu horeeyaan Micheaking, Guddoomiyaha Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD iyo xubno kale, kuwaasi oo maanta gaaray Dhuusa-mareeb.
Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada shirkan C/samad Macalin Maxamuud oo la hadlay Risaala ayaa xaqiijiyay in shirkan uu furmay, Munaasabaddana ay si wanaagsan u socoto.
Waxaa khudbado jeedinaya Masuuliyiinta shirkan ka qeyb galeysa, waxaana ay ka hadlayaan sida ay muhiim u tahay in ay midoobaan labadan maamul.