Shuruudaha musharaxa u tartamaya xilka gud doonka BF oo la shaaciyay (Akhriso)
Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Shalayeyd soo saaray shuruudaha laga rabo musharaxiinta isku soo taagaya xilka Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.
Shuruudaha uu guddiga soo saaray ayaa waxa kamid ah in Xildhibaanka isku soo tagaya jagadaas uu haysto Aqoonsiga Xildhibaanimo (ID Card-ka).
Guddiga ayaa ku wargeliyay musharaxiinta guddoonka Golaha Shacabka in 19-ka illaa 22-ka April ay soconeyso diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoonka Golaha Shacabka.
Shuruudaha Musharixiinta laga rabo oo dhameystiran, ayaa waxay kala yihiin;
Aqoonsiga Xildhibaanka (ID Card)
Arjiga caddeynta Musharaxnimo
Taariikh nololeedka Musharaxa (CV)
Labo Sawir
Warqadda cadeynta lacag qabashada Bangiga Dhexe
Balan-qaadka u hogaansamridda natiijada doorashada
Foomka diiwaan-gelinta Musharaxa
Foomka soo-joodinta Musharaxnimada
Arrintan ayaa imaneysa kadib markii ay Shalay si wada-jir ah u ansixiyeen labada gole jadwalka doorashada guddoonka labada aqal, taasi oo qeyb weyn ka qaadaneysa dadajinta doorashada madaxweynaha.
Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxay dhaceysaa 27-ka April, halka doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare la qorsheeyey inay dhacdo 26-ka April, sida lagu ansixiyey kulankii Shalay.
Labada Aqal ayaa 19-ka ilaa 22-ka April qabanaya diiwaan-gelinta murashaxiinta u taagan guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.Dhinaca kale, baarlamanka ayaa kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha oo laga dhigay $40,000, halka sanadkii 2016 ay ka aheyd $30,000. Waxaa sidoo kale la kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoomiye ku-xigeenada oo laga dhigay $20,000 halka kalkii hore ay ka aheyd $15,000.