sida la sheegay MID KA MID DHAGAXAANTII UU ALAAH KU WEERAREY ABRAHA OO LA HELEY
Saalax Masfer Al Gamdi wiil waa Dhalanyaro ah oo Sucuudiyaana, waxaa uu helay sida uu sheegay #Dhagaxii ay Shimbiraha(Aabeel),oo Allah SWT u soo diray in ay halagaan Boqorkii Abraha ee weerarka ku soo qaaday Kabcada, kaas oo ay ku burburiyeen Ciidankii maroodilayda ee Duulaanka ahaa.
#Salah ayaa sheegay in uu dhagaxa ka helay Buuraha ku yaaal xadka u dhaxeeyay #Yamen iyo #Sucuudiga isaga oo ugaadhsi ku jira,
Wuxuuna shaagay in uu ka helay #Green_Wadi oo hada loo yaqaan #Jarb_Valley, halkaas oo ahayd meeshii Boqor Abraham ku nasiyay ciidankiisa markii ay weerarka ku ahayeen Xaramka, balse Allah u soo diray Shimbiraha laguna halaagay.
Salah ayaa shaagay in uu ku aqoon saday inu dhagixii yahay,miisaan kiisa oo dhan 131 grams, waana 131 kalmadood ee ay ka kooban tahay Suurada uu Allah SWT kaga hadlay qisadan ee #Surah_Al_Fil.
Culimada dhinaca Tariikhda iyo kuwa #Archaeology oo darsay dhagaxan, ayaa shegay in Dhagaxani jiro hilaadii 1442 sano.
Khuburada dhinaca Culuumta ayaa u gaadhay wiilka, in uu dhaafsadao dhagaxa 15 million oo Riyaalka Sucuudiga ah, una dhiganta $4 million oo Dollar,wuuna diiday dalabkaasi.
Wasaarada Dalxiiska ee Dowlada Sucuudiga ayaa iyaduna ka dalbatay wiilka, inuu ku soo wareejiyo Dhagaxa balse wuu diiday.
Qisadan ayaa soo jiidatay caalamka, gaar ahaan wadamada Islaamka oo qiimo wayn ay ugu fadhido Taariikhdani.
XIGASHO MOWLIID XIIS