Home Afsomali Sidee Maxkamadda u Dhaqangelin Doontaa Qaraarkeeda Kol Haddii Kenya ay Dib Uga...

Sidee Maxkamadda u Dhaqangelin Doontaa Qaraarkeeda Kol Haddii Kenya ay Dib Uga Guraty Dacwadii Badda?

Maxkamadda ICJ ayaa Isniintii March 15, 2021 bilawday dhageysigii doodda afka dacwada Badweynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya, wolaw Kenya ay qaaddacday inay xaadirto dacwada. Nairobi ayaa ku eedeyneysa eex: aqbalid la’aanta maxkamadda codsigeedii ahaa in dib loogu dhigo dhegeysiga mar afaraad.

Soomaaliya ayaa August 28kii, 2014 horgeysay Madaxkamadda ICJ dacwad kaddib markii wadahadalladii diblomaasiyadeed ay fashilmeen. Kenya ayaa diidmo hor u dhac ah kala hortagtay qabashada maxkamadda dacwada, balse February 2, 2017 garsoorayaasha ayaa si aqlabiyad leh ugu dhawaaqay in maxkamadda ay awood u leeyihiin inay xukunto kiiska.

Su’aasha taagan ayaa ah, sidee loo dhaqangelin doonaa go’aanka maxkamadda haddii Kenya aysan ka qaybgelin doodda dacwada, dhici kartana inay diiddo qaraarka?

Marka la eego sharciyadda maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay, dacwadda waxaa la joojin karaa oo keliya haddii Kenya ay gebi ahaanba iskaga baxdo xubin ka ahaanshaha Maxkamadda ICJ, kumana dhacdo taas.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa yiri, “Ma muuqato sabab ay Kenya uga caban karto maxkamadda kaddib markii kiiska seddax jeer dib loogu dhigay, taasoo keenay in dacwada ay 18 bilood dib u dhacdo.”

Go’aanka waxuu saameyn doonaa xuquuqda shidaalka xeebta Bariga Afrika. Maxkamadda ayaa ku tiirsan Golaha Amniga si loo xushmeeyo dhaqan gelinta go’aannadeeda, inkastoo wadamado badan ay si fudud iskaga indhotiraan xukunka.

Waxaa laga yaabaa in diblomaasiyad cakiran ay ka dhalan doonto cabashooyin Kenya ay u gudbisay Golaha Amniga ee Qaramada Midowbay oo ay xubin aan joogto ahayn ka tahay. Kenya waxay ku cataabaysaa in aafada Covid-19 ay ka xayuubisay awooddii dhaqaale ee ay isku daafici lahayd.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya Paul Kihara Kariuki qoraal uu u diray ayuu ku taxay dhowr iyo toban sababood oo isku dhafan kana mid yihiin in garyaqaanadooda aysan helin waqti ku filan. Sanadkii 2019, ayey difaaca Kenya dib uga gurtay dacwada.

Maxkamadda ayaa diiday in Kenya la siiyo 30 daqiiqadood oo hadal jeedin ah ka hor inta aan la furin dooddaha. Marnaba Nairobi ma qarsan kalsooni darrada ay ka qabto maxkamadda waxayan muran gelisay awoodda ay u leedahay inay dhexdhexaad ka noqoto qadiyadda inta uu garsoorayaashu ka mid yahay Abdulqaawi Axmed Yuusuf.

Muxuu Aaggaa Muhiim u Yahay

Garyaqaan Muna Maxamed Cali Sharmaan ayaa Maxkamada ICJ ka hor caddaysay inaan la hayn meel Kenya iyo Soomaaliya ay ku soo hadal qaadeen in heshiiskii 2009 (MOU) uu yahay mid xeerinaya soohdinta badda labada dal.

Muranka ayaa salka ku haya jihaynta soohdinta labada dal. Dowladaha Ingiriiska (UK) iyo Talyaaniga ayaa July 15, 1924 axdi ku kala saxiixday xuduudaha dalalka ay guumaysanayeen ee Bariga Afrika (Kenya iyo Soomaaliya). Halkaas ayuu Talyaanigii kula wareegay Jubbaland oo ay shanta jasiiradood ee Lamashaaqa “Diua Damasciaca,” ka midka ahaayeen kana tirsanaa maxmiyadii Ingiriiska (UK).

Si kastaba ha ahaatee, ka bixitaanka kiiska waxay astaan cad u tahay in Nairobi aysan gacan ku hayn wax ay la hortimaad maxkamadda, inkastoo ay ku adkeysanayso inay aaggaas lahayd tan iyo 1979kii. Mowqifka Soomaaliya waxuu si cad ula socdaa qaabka loo sunto soohdimaha baddaha caalamka.

Marka la eego Sharciyada caalamiga ah ee badaha, waxaa si weyn looga filayaa Maxkamadda ICJ inay qadiyadda u xukunto Soomaaliya. Xeeldheerayaasha siyaasadda gobolka waxay rumeysan yihiin in Kenya ay aqoonsan doonto qaraarkaas, maadaama uusan jirin waddo kale oo u furan oo ay Soomaaliya aqbali karto.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.