Home Afsomali Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Kulan La Qaatay Agaasimayaasha Guud Ee...

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Kulan La Qaatay Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha ( SAWIRADA )

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxuu kulan kula qaatay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo salka ku hayay dardar gelin shaqooyinka dowladda iyo is-xog wareysi guud ayaa intii uu socday waxuu mudane Mahdi Guuleed amaanay dowrka agaasimayaasha guud ay ku leeyihiin socodsiinta shaqooyinka qaranka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha oo caddeeyay guul laga gaaray Amniga, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda loo dhanyahay, ay horumuud u ahaayeen agaasimayaasha guud iyo shaqaalaha dowladda, waxuuna kula dardaarmay inaysan halkaa ku ekeysan ee ay sii dardar geliyaan shaqooyinka si loo gaaro horumarka la hiigsanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.