Home Afsomali Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Oo Laamaha Amniga Faray In Baaritaan Rasmi Ah...

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Oo Laamaha Amniga Faray In Baaritaan Rasmi Ah Lagu Sameeyo Weerarkii Argagaxiso Ee Ka Dhacay Muqdisho

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka,  Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay laamaha amniga dalka.

Kulanka oo looga hadlay adkeynta amniga dalka, ayaa Mudane Mahdi Guuleed waxuu laamaha amniga uga dhageystay warbixin la xariirka weerarkii Argagaxiso ee shalay Muqdisho ka dhacay.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa laamaha amniga faray inay baaritaan saxan oo dhammeystiran ku sameeyaan dhacdadii shalay, waxuuna sidoo kale ku adkeeyay in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan amni la isku halleyn karo.

Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan amni iyo xasilooni waarta ayaa laamaha amniga iyo guud ahaan ciidanka qaranka ku sameysay dib-u-habeyn ballaaran si ay awood ugu yeeshaan gudashada waajibaadka ka saaran ilaalinta mawaadiniinta iyo hantidooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.