Home Afsomali KITAABKA SIIRADII NABIGA _XABIIBKA _(N.N.K.H) oo dhameystiran

KITAABKA SIIRADII NABIGA _XABIIBKA _(N.N.K.H) oo dhameystiran

Waxaan ka waramaynaa Rasuulkii Eebe, Adoonkii wanaagsanaa uguna khayrka badnaa Basharka, waa Sayidka awlaada Nabi Aadam, waa ruuxa loogu jecelyahay ee Cimrigiisa Eebe ku dhaartay, waa shakhsiga uu Eebaha Koonka abuuray, Malaa’iktiisa iyo in badan oo dadka ka mid ah ay ku Salliyaan, waa shakhsiga iska leh Shafaacada, waa raxmadii Eebe ugu Naxariistay Basharka, kana yeelay Nabigii ugu danbeeyey una soo dhiibay risaaladii ugu danbaysay waa Nabi Muhamed Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaato.

Nabigeena (N.N.K.H) in la adeeco waa waajib iyo in la jeclaado, laguna salliyo sababtoo ah waxa gacantiisa Eebe inagaga bixiyey Jahli – mugdi- waxaanu inagu hogaamiyey wadada Tooska ah ee lagu badbaadayo.

Siirada Rasuulka way dheertahay, sidaa awgeed waxaan isku dayaynaa in aan sida ugu haboon usoo bandhigno inshallah, waxaanan wax ka taabanaynaa Dhalashadii Rasuulka, Geeridiisii, markii la soo diray iyo ka hor intaan la soo dirin, sidoo kale  dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee dhacay waqtigii uu Noolaa Xabiibku (NNK).

Inshallah wixii khayr ah ee Eebe na waafajiyana waan ugu Mahadcelinaynaa, hadii khalad ama gaf aan galnana Eebe iyo Rasuulkiisu waa ka bari, eedaana waxa iska leh annaga, Ilaahayna danbi dhaafbaan waydiisanaynaa. Amin Yaa Rabbi.

Jasiirada Carabta:-

Carabtu asal ahaan waxay ka soo jeedaan qabiilka faca wayn ee Qaxdaan. Markii Nabi Ismaaciil (N.N.K.H) iyo hooyadiis Haajara (N.N.K) ay dageen magaalada Makkah waxay la dagay qabiilka Jurxum oo Qaxdaani ah, dabadeedna Nabi Ismaaciil ayaa la xididay Jurxum kana guursady. Waxaana ka soo farcamay carabta loogu yeedho Carab Al-mustacraba. Carabtaasi waxay haysteen diintii Nabi Ibraahim Alkhaliil.  Mudo dheer kadib waxa dhacay arrin layaab lahayd, Nin la odhan jirey Camr Ibnu Luxay ayaa ka safray magaalada Makkah isagoo ku wajahan Dhanka Shaam – waa Suuriya, Urdun iyo Falastiin- markuu gaadhay magaalada Balqaa ayuu  arkay qoom Caabudaya Sanamyo, waynay cajabisay, waraysi kadib waxa uu go’aansaday inuu qaato Sanamka, geeyana magaalada Makkah oo waqtigaa diinta Tawxiidka haystay. Markuu Magalada la soo galay ayey u yimaadeen carabtii reer Makkah oo waydiiyeen Sanamka, waxa uu ugu Jawaabay in Sanamkan uu keeno roobka, una gargaaro dadka, lana  talo saarto. Waa shirki Eebe cidkale lala wadaajinayo.

Carabtii wax dhiba umaysan arag ee way ajiibeen ayagoo u dhago nugul, kadibna samaysteen sanamyo badan, heer  la buunbuuniyo oo xilliyada  safarkana la talo saarto sanamyo  laga xordhay Timir iyo Xalwad. Waxa la yaab ahayd in markay gaajo qabato ay cuni jireen ilaahayadooda, sanamkuna wax fal celin ah laguma arki jirin,  Ilaahaas marka la laasto ayaa mid kale la samaynjirey.

.Magaalada Makkah oo kacbadu ku taalo ayaa loo soo xaj tagi jirey (xaj jaahili), ayadoo meelo dhaadheer looga iman jirey. Sikastaba ha ahaatee xajkaas ayaa ahaa raadadkii ka sii hadhay diintii Nabi Ismaaciil (N.N.K.H). Reer Makkah  waxay badaleen Talbiyada oo ahayd (لبيك اللهم لبيك لبيك لا شريك لك لبيك) oo macnaheedu yahay ( Eeboow waan ku ajiibay anoon cidna kula lamaanaynayn.) Waxayna ku dareen Lamaane kale oo Eebe la wadaaga Xukunka. Ilaahaybaan ka magan galnay. Carabtii waxay isu badaleen Mushrikiin wayna ka gaaloobeen diintii Nabi Ibraahiim iyo Nabi Ismaaciil (N.N.K.H)

Sanamyadii Makkah yaalay.

Sida la soo warinayo Nin iyo gabadh la dhaho Isaaf iyo Naa’ilah ayaa xumaan ku sameeyey Kacbada, kadibna way isku dhageen oo isu badaleen Dhagax, waxa loo nasakhay si loogu cibro qaato laakiin caqligoodii waxa uu siiyey in la caabudo oo xoolo loo gawraco, waxayna moodeen in ay u shafeeca qaadayaan.

Carabtii Qureesheed waxay kaloo xoolo u gawrici jireen sanamyada ayagoo aaminsanaa in loogu dhowaanayo Eebe. Waxayna dhihi jireen Neefkaa xoolaha ahi waa mid Ilaahay loogu talogalay, iyo mid sanamyada loogu talogalay, sikastaba ha ahaatee Eebe Wayne isaga oo ka jawaabaya ayuu ku leeyahay Quranka. Surah Al-an’am:136

{ Waxay uga yeeleen Eebe wuxuu Abuuray oo Beero iyo Xoola ah qayb, waxayna Dheheen kan Eebaa iska leh Sheegashadooda kanna waxaa iska leh Shurukadanada (Sanamyda) waxa Sanamyadu ma Gaadho Eebe, waxa Eebana wuxuu Gaadhaa Sanamyadooda waxaa Xun waxay Xukumeen.} Sidoo kale waxay dhiseen  Guryo lagu dawaafo,  ayaga oo baal maraya Kacbada iyo Baytkii Eebe.

Sanamyadii ugu caansanaa waxa ka mid ah.

  • Sanamka Laat waxa lahayd qabiilka Saqiif, waana loo safri jirey.
  • Sanamka Manaat waxa lahaa Aws iyo khasraj ee magaaladaYathrib ( Madiina)
  • Sanamka Cuza waxa uu yaalley Mandaqada Nakhla.

Reer Qureesh way baasaysanjireen, markay safraan waxay cirka ku sii daynjireen Shinbir kadibna u safri jireen dhanka ay shinbirtu u duusho, sidookale waxay ka baasaysanjireen magacyada dadka, codadka iyo maalmaha. Waxaa batay waqtiqaas Sixiroolayaasha, Faaliyayaasha, Xidigiyaha iyo Kahanada. ”Haday wabi ku dagaan waxay ka magan gali jireen Shaydaan, halkii ay ahayd in la magangalo Eebaha wayn, waxayna dhihi jireen waxaan magangalaynaa Boqorka wabigan (Shaydaanka)”

Kacbada waxa ku sawirnaan jiray Sawir Nabi Ibraahim iyo wiilkiisii  Nabi Ismaaciil (NNKH) markii Nabi Ibraahim gawaracayey wiilkiisa Ismaaciil.

Waxa caan dhexdooda ka ahayd in xoolo loo daayo Sanamyada, oo ay mamnuuc tahay in laga manaafacsado. Sida Hasha  10 jeer uur qaaday (baxiira) kadibna dhagaha ayaa la jarijiray, (saa’ibo) Xoolo Sanamyada loo sii daayo iyo Xoolo dhidig oo Sanamyada lagu sadaqaysto (wasiilo).

 Xaalada Bulsho.

Nolosha Carabtu waxay ahayd mid ku fadhida Jahli iyo aqoon darro, waxa dhici jiray dagaalo ay sabab u tahay xoolo laysku laayo mudo aad u dheerna soconaya. Sinada iyo Xumaantuna dhexdooda way banaanayd.

Guurka iyo xaalada qoysku  waxa u qaybsanaa dhowr qaybood:-

  1. Guur caadiya, waa guur la doono gabadha laguna guursado idinka waligeed.
  2. Ninka ayaa Xaaskiisa u diraya nin kale oo ka Xaaran ah, waanay la seexanjirtay kadibna uur bay u qaadi jirtay Xaaran ah.
  3. Gabadha ayaa isu bandhigi jirtay Toban Nin kadibna kay doonto ayey kala bixi jirtay.
  4. Gabadha ayaa gurigeeda Calan ama wax lagu garto ka luli jirtay, kadibna ruuxii doona ayaa u gali jiray, markay uur qaadona Ninbaa yeelanaya.

Sidoo kale ninku wax uu wada guursanjiray Laba gabdhood oo walaalo ah, ama gabadha Aabihii ka dhinto. Waa Nolosha Xayawaanka duur joogta ah. Qabyaaladuna waxay ahayd qaab layskugu hiiliyo, ninku walaalkiis ayuu u gargaarayaa hadii la dulmiyey ama uu isagu wax dulmiyeyba.

Gabadhuhu way ku dulmanayeen bulshada dhexdeeda, waxana gaadhay heer Nolosha lagu duugo. Waxayna caadadan xun ka bilaabantay Qabiilka Rabiica oo la dagaalamay qabiil kale, kadibna laga roonaaday lagana afduubtay ama laga qafaashay Haween. Waxana caado u ahayd marka haweenka la Afduubto in lakala dooradsiiyo in ay la joogto cidda gacanta ku haysa ama ay ku noqoto Qabiilkeedii. Haseahaatee Gabadh uu dhalay Boqorka Qabiilka Rabiica ayaa diiday inay ku noqoto reerkooda, go’aansatayna in ay la joogto raga soo kaxaystay, arrintaas ayaa ceeb ku noqotay Aabaheed iyo qabiilkeedaba. Kadibna waxa uu Aabaheed dhaar ku maray in hadii uu gabdho kale u dhalato in uu Nolosha ku dilo. Sida xaqiiqda ahna waxaa loo dhalay 10 gabdhood, dhamaantoodna waa laayey. Kadibna caadadan ayaa ku faaftay qabiiladii kale.

Ninka Carabka ah hadii ay u dhalato Gabdh waxa uu kala dooran jiray in uu dullinimo ku haysto ama in uu dilo. Marka loogu bushaareeyo in loo dhalay gabadh yar, dadka ayuu iska qarinayey isaga oo cabsi ka qaba in la ogaado kadibna la fadeexadeeyo. Islaamku markii uu yimi waa xaarantimeeyey.

Sikastaba ha ahaatee Carabtu waxay hadana lahaayeen Caado wanaagsan sida deeqsinimda, sharafta, martida oo la sooro iyo ballan fulinta.

Xukunka magaalada!

Qabiilka Jurxum ayaa mudo dheer ka talinayey magaalada Makkah haseahaatee waa laga xayuubiyey talada magaalada, waxaana gacan ku haynta magaalada lawareegay Qabiilada Kanaana iyo Khusaaca.

Abraha iyo dumistii Kacbada

Abraha waxa uu ahaa Nin Xabashiya oo waali ka ahaa wadanka Yemen, waxa uu xaasidnimo u hayey Carabta iyo Kacbada, kadibna waxa uu isku dayey inuu dadka ka leexiyo xajka ay u tagaan magaalada Makkah sidaa awgeed waxa uu dhisay kaniisad wayn oon hore loo arag, waanu qurxiyey, waxaanu u bixiyey Qaliis.

Abraha wuxuu u diray warfidiyayaal boqorkii Xabashida uguna bushaareeyey in uu dhisay kaniisad aan hore loo arkin, si ay dadku ugu soo xajaan. Waxa ogaysiis loo diray magaaloyinka uu ka talinayey si loo siyaarto kaniisadaas. Carabtii ayaa ka cadhootay arrintaas una fahanatay in lagu cayaarayo muqadasaadkoodii.

Waxa la sheegaa in Nin carab ah ay qaaday caadifadii kadibna uu galay Kaniisadii kuna xaajooday meeshii loogu talo galay in dadku siyaartaan. Arrintii markay gaadhay Abraha ayuu go’aansaday in la burburiyo Kacbada. Abraha iyo Ciidan hubaysan oo uu wato ayaa soo baxay si loo dumiyo kacbada sharafta leh. Carabtii ayaa maqashay in Abraha ku socdo Makkah kadibna waxa ka horyimi mid kamida boqoradii Yemen oo la dhaho (Duu Nafar) hase ahaatee waa laga xoog batay lana jabsaday, kadibna la qafaashay.

Abraha iyo ciidankiisii waxay gaadheen meel la dhaho Khafca. Carabtuna raali kamay ahayn in la dumiyo kacbada sidaa awgeed ayaa waxa la dagaalamay Nin la dhaho Nufayl, balse waa laga awood batay lana xidhay. Abraha socodkii isagoo sii wata waxa uu gaadhay Reer Taqiif waxaana gashay cabsi, kadibna way is dhiibeen, cudurdaarna way muujiyeenn, una sheegeen in sanamka ay haystaan aanu ahayn kacbadii, kadibna waxay ku dareen Nin la dhaho ( Abruqal) si uu utuso dhanka kacbadu ka xigto. Abraha waa ka ajiibay cudurdaarkoodii, iskana dhaafay. Abraha iyo ciidankiisii markay u dhowaayeen Makkah ayuu geeriyooday Abruqal. Carabtuna way rajmin jireen  xabaasha Abruqal sababtoo ah waa ninkii tusay Abraha dariiqa magaalada barakaysan ee Makkah.

Ciidankii waxay dageen meel la dhaho ( maqmaz) Abrahana waxa uu magaalada Makkah u diray Nin la dhaho Al-aswad si uu usoo sahamiyo. Markuu magaalada galay ayuu dhacay laba boqol oo geela, waxaana geela lahaa Sayidkii reer Qureesh ( Cabdul-Mudalib).

Geelii waxa loo keenay Abraha, kadibna waxa uu diray Nin kale oo la dhaho Xanaadah, waxaanu ahaa Nin Ximyari ah. Xanaadah waxa uu galay magaaladii lana kulmay madax dhaqameedkii magaalada, waxaanu u sheegay in aysan dagaal iyo in dhiig daato aanay u iman balse kaliya inay duminayaan Kacbada.

Cabdul-Mudalib waxa uu utagay Abraha, isna waa sharfay. Abraha kursigii uu ku fadhiyey ayuu ka kacay si uu usharfo Sayidkii Reer Qureesh Cabdu-Mudalib.

Abraha aya waydiiyey waxa uu doonayo, Cabdul-Mudalib waxa uu ku jawaabay in uu rabo xoolihii laga dhacay. Abraha ayaa la yaabay Ninkan geela ka hadlaya, Kacbada uu duminayona waxba ka qabin. Cabdul-Mudalib waxa uu yidhi ( Anigu waxaan rabbi u ahay geelayga, kacbaduna Rabbi ilaaliya ayey leeyahay).

Cabdul-Mudalib geelii ayaa loo celiyey, kadibna Qoomkiisii ayuu ku noqoday una sheegay in ay ka baxaan magaalada. Dadkii waxay u ordeen dhanka buurta, Cabdul-Mudalibna waxa uu ku dhagay daahyada kacbada isagoo baryaya Eebe. Abraha iyo Ciidankiisii waxay u ruqaansadeen dhanka kacbada, ciidankuna waxa uu watay Maroodi la dhaho( Maxbut) si loogu dumiyo Kacbada .

Kacbada sharafta leh waxa dhisay Nabi Ibraahiim iyo wiilkiisii Nabi ismaaciil, waxaana weeye baytkii ugu horeeyey ee loo dhiso dadka si ay Eebe kaligii u caabudaan. Markuu Nabi Ibraahiim dhamaystiray ayuu Eebe amray inuu Eedaamo, una yeedho dadka si loogu tukadu baytka Eebe.

Nufayl oo ku jiray gacanta ciidanka Abraha ayaa maroodigii la hadlay kuna dhahay ” dib u noqo Maroodiyow” kadibna Nufayl waa firdhaday isagoo ku wajahan dhanka buuraha.

Abraha iyo Ciidankii waxay la yaab ku noqotay in maroodigii diido inuu u kaco dhanka Kacbada, haday isku dayaan inay u kaxeeyaan dhanka Shaam, Yemen ama dhanka bariga maroodigu wuu u dhaqaaqayaa Laakiin dhanka Kacbada wuu ka istaagay. Mudo kadib ayaa cirkii mugdi isu badalay, mise waa kooxo Shinbiro ah oo afka ku sita dhagaxyo danabaysan kuna tuuraysa dushooda, ciidankii way firdhadeen, intoodii badnaydna waa halaagsaameen. Ninkii Abraha jidhkiisa ayaa kala daadatay halkaasbaanu ku dhintay. Eebe Wayne ayaa halaagay Abraha iyo ciidankiisii, waxaanu difacaay Baytkiisii. Eebe qisadooda waxa uu ku sheegay suurat Alfiil, suurata 105. Sanadkana waxa loo bixiyey Sanadkii Maroodiga.

Cabdul-Mudalib iyo Ubadkiisii

Sayidkii Magaalada Makkah waxa uu ahaa Cabdul-Mudalib, waxaana loo dhalay Toban wiil iyo Lix gabdhood. Waxayna kala yihiin. ( Cabaas, Diraar, Xamse, Miqwam, Xajal, Abudaalib, Zubeyr, Xaarith, Abu-Lahab iyo Cabdullahi) gabdhuhuna waa ( Safiya, Umu-Xakiim, Caatika, Amiimah, Arwa, Iyo birrah).

Cabaas iyo Diraar hooyadood waa ( Nakiilah bintu Janaab).Xamse, Miqwam, Xajal iyo Safiya hooyadood waa ( Haala bintu Wahayb ibnu Cabdi-Munat). Abudaalib, Cabdullahi, Zubeyr iyo dhamaan hablaha waxa dhalay ( Faatima bintu Camru). Xaarith waxa isna dhalay ( Samraa’ bintu Jundub). Abu-Lahab oo magaciisa la dhaho Cabdul-Cuza waxa dhalay ( Lubna bintu Hajar ibnu Cabdi-Manaf)

Cabdul-Mudalib waxa uu Nadar ku galay in hadii uu Aabo u noqdo Toban wiil in mid kamida loo gawraco Sanamka, markii Eebe siiyey Tobankii wiil ayuu go’aansaday in uu mid kamida gawraco. Kadibna caruurtiisii ayuu u qori tuuray, Nasiibkiina waxa uu ku dhacay Cabdullahi oo ahaa wiilka ugu yaraa, looguna jeclaa.

Cabdul-Mudalib ayaa isku dayey in uu gawraco Cabdullahi Laakiin madaxdii reer Qureesh ayaa ka hor timid una diiday in la gawraco Cabdullahi. Madaxdii Qabiilada ayaa u tilmaamay Cabdul-Mudalib inuu u tago gabadh joogta Xijaaz oo ahayd Faaliso la shaqaysata Jinka.

Cabdul-Mudalib waa ku qancay, waxaanu kaxeeyey Cabdullahi isagoo ka rajo qaba Naagta faalisada ah. Naagtii markuu u galay ayuu uga waramay ujeedadiisa, kadibna waxay ugu jawaabtay inuu soo noqdo barri, si ay Jinka u waydiiso Xalka arrintaas.

Subaxii ayuu utagay naagtii, waxayna fartay in loo qori tuuro Cabdullahi iyo Diyada la siiyo reerka uu qofku laga dilo oo ahayd Toban Neef oo geela, hadduu qorigu kusoo baxo Cabdullahi waa inaad kordhisaa tirada geela illamaa intay qorigu kusoo baxayo geela. Markay tirada geelu maraysay 100 Neef ayuu qorigii ku soo baxay geelii. Kadibna way farxeen oo Boqol Halaad ayuu bixiyey badalkeed  in la gawraco Cabdullahi. Qoomkiisii iyo ehelkiiba way mabsuudeen, isla markiiba Cabdullahi waxa loo maheriye Aamina oo uu dhalay Sayidkii Reer Banu Zuhra. Kadibna way is guursadeen Aamina iyo Cabdullahi. Hase ahaatee guurkii muusan sii waarin, ee waxa geeriyooday Cabdullahi isagoon arag wiilka ay Aamina uurka ku siday.

Dhalashadii Nabiga (N.N.K.H)

Nabigu waxa uu dhashay maalin Isniina Laba iyo Tobanka Rabiicul Awal 12/03 ee sanadka Hijriga oo ku beegan 571 Miilaadka.

Maalintaa waxa dhacay arrimo waaweyn oo mucjiso ah, waxa la sheegaa in Afar iyo Toban Barande oo ka mid ah Qasrigii Boqorkii faaris ay dumeen sidoo kale waxa damay dabkii Majuuska.

Sida laga soo wariyo Xasaan ibnu Thaabit waxa uu yidhi ” Maalinta uu dhashay Nabigu waxaan ahaa kuray laakiin garaad lah, waaxaan maqlay anoo joogaa magaalada Madiina (Yathrib) Nin yahuudiya oo qaylinaya, kadibna waxa iskugu soo ururay Yahuudii waxaanu ku yidhi maanta waxa soo baxay Xidigii Axmed).

Dhalashadii Nabigu waxay ahayd mid sahlan, oo Aamina maysan dareemin wax culays ah markay uurka kusiday, markay umushayna waxay aragtay Nuur iftiimiyey Dhulka Shaam.

Waxa maqlay warkii dhalashada Nabiga Awoowgii Abdul-Mudalib, kadiban isagoo faraxsan ayuu u yimi hooyadii, waxaanu ku qabtay laabtiisa oo shuumiyey – dhunkaday. Kadibna waxa u qaaday Kacbada oo ku dawaafay isagoo farxsan oo bushaaraysanaya. Nabiga awoowgii ayaa u bixiyey Magaca MUHAMMED.

Waxa la gudo galay cidii naas nuujin lahayd wiilka yar, waxaana iman jiray magaalada Makkah Dumar nuujiya caruurta, waxa ka mid ahayd Xaliimo Sacdiya. Haweenkii markay maqleen in uu yahay wiilku Agoon maysan qaadanin, ayagoo cabsi ka qabay lacag la’aan. Sanadku waxa uu ahaa Abaar ba’an, waxaana jirtay Gaajo iyo abaar baaxsan oo ku fiday gobolka, hase ahaatee Xaliimo markay wayday cid kale oo ay nuujiso ayey ku dhiiratay inay qaadato.

Isla markay Naaska ku duwdayba waxa dararay Naaskeedii oo caano ayuu Eebe ka keenay, waxa la yaab ku noqotay in Naaskeedii caano yeesho sabatoo ah willkeedii ay dhashayba way uga wayday. Barakadii cunaga yar ayaa soo if baxday sidoo kale Nabigu waxa uu nuugay Hal Naas oo kaliya isagoo walaalkiisa kale ee naaska la nuugaya uga tagaya ka kale. Cunugii ay Xaliimo dhashayna waa  gam’ay markuu dhamay caanihii. Xaliimo iyo Saygeedii waxay u kaceen magaaladii ay daganaayeen, waxayna wateen Dameer gaabis ahaa hase ahaatee markay Nabiga soo qaadteen ayuu dameerkii ka dheereeyey sidii hore, Laxdii ay wateena way darartay oo caano ayaa ka soo burqatay. Barakada Nabiga darteed ayey xoolihii helaan daaq wanaagsan illamaa ay jaarkii Xaliima ay ku dhaheen ubadkoodii Xoolaha soo daajiya meesha ay daaqaan Xaliimo xoolaheedu.

Laba sano kadib ayey Xaliimo siyaaratay Aamina si loogu celiyo Nabiga hooyadii, hase ahaate barakadii ay ku aragtay cunuga awgeed maysan jeclaysanin inay nabiga hooyadii u celiso. Markay u geysay hooyadii ayey Xaliimo ku tidhi Aamina ”wiilka waxaan uga cabsanayaa xanuunada Makkah ee hayla joogo aniga. Aaminana way u ogolaatay in uu mudo kale la joogo Xaliimo Sacdiya ilaahay raali haka ahaadee.

Maalintii dnabe Nabiga iyo walaaladii oo cayaaraya ayaa waxa u yimi Laba Nin oo maryo Cad huwan, kadibna waxay qabteen Muhammed soona saareen wadnihiisa oo biyo ku dhaqeen dabadeedna ku celiyeen meeshiisii ayagoo tolay laabtiisa. Caruurtii ayaa orday oo u sheegay hooyadood, isla markay Xaliimo u timid ayey fiirisay wajigiisa oo isbadalay. Xaliimo saygeedii ayaa amray in loo celiyo wiilka (Muhammed) hooyadii Aamina. Hooyadii markii loo keenay ayey dareentay in sabab ku qasabtay jirto in ay soo celiyaan cunuga, is waraysi kadib waa loo sheegay dhacdadii asiibta cunuga yar, sidaasaanu ugu gacan galay hooyadii Aamina.

Nabiga waxa uu ku noolaa Nolol farxad leh iyo barwaaqo, maalintii danbe ayey Aamina doontay inay booqasho ugu tagaan Nabiga reer abtigii oo deganaa Magaalada (Madiina)  waana Qabiilka (Bani Cadiy bani Najaar). Reer abtigii ayaa soo dhoweeyey kuna farxay booqashadiisa, da’diisuna waxay ahayd markaa Lix sano. Booqashadii kadib waxay usoo kaceen magaalada Makkah oo ah deegaankoodii laakiin markay marayeen Mandiqada ( Al-abwa) ayey Aamina dareentay Jirro kusoo booday dabadeena halkaas ayaa lagu oofsaday.

Waxay ku noqotay Nabiga Naxdin iyo anfariir waxaanu waayey hooyadii isagoon horena u arkin Aabihii oo ka hor geeriyooday intuu uurka ku jiray. Nabiga waxa loo soo qaaday dhankaas iyo Awoowgii iyo magaalada Makkah waxaana kafaalo qaatay Awoowgi Cabdul-Mudalib.

Cabdul-Mudalib aad ayuu u jeclaa wiilka, waanu ka fadili jirey caruurtiisa kale oo ah Nabiga Adeeradii iyo eedooyinkii. Waxayna caado u lahaayeen maadaama uu Cabdul-Mudalib yahay Sayidkii Reer Qureesh waxa loo gogli jirey Sajaayad (Salli) uu ku fadhiisan jirey kadibna ubadkiisa ayaa la fadhiisan jirey hase ahaatee looma ogolayn in cid Aabahood ka horeysa ay fadhiisato booskiisa ixtiraam awgii. Sikastaba ha ahaatee Nabiga waa loo ogolaa inuu fadhiisto, awoowgii Cabdul-Mudalib waxa uu masaxi jiray madaxiisa iyo dhabarkiisa waxaanu odhan jiray wiilkayga  Arrin waynbaa u sugnaatay! Sanadadii uu la noolaa awoowgii maysan sii raagin ee laba sano kadib ayaa la oofsaday Cabdul-mudalib.

Geeridii awoowgii kadib waxa kafaalo qaatay Adeerkii Abu-daalib, waanu garab istaagayna markuu ubaahnaa. Adeerkii waxa uu baray xirfada ganacsiga iwm.

Markay da’diisu ahayd 12 sano ayaa adeerkii u kaxeeyey dhankaas iyo Shaam, markay gaadheen mandaqada ( Taysari) ayey la kulmeen Nin Baadari ahaa oo haystay diintii Nasaarada kadibna waxa uu fiiriyey wiilka yar oo eegaya labadiisa garab dhexdiisa waxanu ku arkay Calaamad ama astaan tilmaamaysa inuu Nabi yahay. Baadaraigii ayaa waydiiyey adeerkii wiilka aabihii waxaanu u sheegay in wiilka uu dhalay isagu laakin baadarigu waa ka biyo diiday oo waxa uu yidhi adigu maad dhalin wiilkan ee aabihii ma noolaa, dabadeedna Abu-daalib ayaa yidhi Haa Aabihii waa geeriyooday.

Kadibna baadarigii ayaa u sheegay in wadadii ay soo mareen dhirtii iyo dhagxaantii taalay ay usuujuudeen, waxaanay usuujuudaan oo kaliya Nabiyada.

Markay yaqiinsadeen in Wiilka yar uu barakaysanyahay oo mustaqbal wayn leeyahay ayuu baadarigii ku yidhi wiilkan waan u cabsanayaaye ee ku celi magaaladii ay ka yimaadeen Makkah, halkaasbaa u roonee, kadibna waxa uu adeerii ku daray rag la socday oo geeyey magaaladii Makkah.

Waxa halkaa inooga cad in calaamadihii nabanimo ay ka muuqanayeen nabigeena isagoo da’diisu ay aad uyartahay. Waxaanad ogsoonaataan dadka diinta Kiristanka haysta in ay garanayaan in diinta Islaamku  tahay diinta saxda ah oo una kala garanayaan sida awlaadooda (ubadkooda).

 

Dagaalkii Fujaar:-

Nabigu markii ay da’diisu gaadhay  20 sano jir waxa uu ka qaybgalay dagaal loogu magac daray (Macrakatul Fujaar) sababta dagaalku ku bilaabmayna waxay ahayd qabiilka Qureesh iyo Kanaana oo isku dhinac ah ayaa Nin ka mid ahi dilay Nin kale oo katirsan Qabiilka Qays Caylaan, sidaa awgeed waxa dhacday dagaal laysku laayey waxaanu dagaalku dhacay waqtiga Bilaha Xurmaysan oo ay mamnuuc ahayd in la dagaalamo, si kastaba ha ahaatee Nabigu waxa uu udiyaarinayey Adeeradii Leebka iyo Qaansada laysku gano.

Kadib markii lays dhaafsaday dhimasho iyo dhaawac ayey labada Qabiil ku heshiiyeen in diyo lakala qaato markii maydadkii laysu tiriyey.

Dagaalkaa kadib waxa magaalada Makkah soo galay Nin Baayacmuushatari ahaa oo gadaya alaabo waxaanu ka iibiyey Nin la dhaho ( Caas ibnu Waa’il) ninkaasi waa dafiray lacagtii lagu lahaa, oo qaab dulmi ah ayuu uga qaaday xoolihiisii.

Kadibna waxa uu tiriyey Ninkii alaabada lahaa Gabay uu kaga cabanayo dadka dagan magaalada Makkah. Arrintii waxay gaadhey (Zubeyr Ibnu Abdul-Mudalib) oo aha Nabiga adeerkii kadibna waxa uu baaqii gaadhsiiyey Reer Bani Haashim iyo Reer Bani Abdi-shams, wayna isku yimaadeen Shir lagu qabtay guriga (Cabdullahi ibnu Jadcaan) oo lagu gorfaynayo qaabka loo joojoojin lahaa dulmiga magaalada dhexdeeda ka socda, xilfi wadaagaaas oo lamagac baxay ( Xilif Al-fusuul) waxa ka qayb galay Rasuulka, waanu ku faani jirey oo waxa uu yidhi rasuulku (NNKH) hadii geela kiisa cascas (guduudan) laysiinayo waxaan ka fadili lahaa ka qaybgalka shirkaas. Waxayna ku tusinaysaa sida uu Nabigu u necbaa dulmiga.

Nabigu waxa uu raacay dhalinyaronimadiisii Adhiga, oo magaalada Makkah ayuu ku dhaqi jiray isagoo ku qaadan jiray dirhamo yar illamaayo uu Eebe ka maaransiiyey oo uu galay shaqada ganacsiga.

Sidaynu hore u soo sheegnay Reer qureesh waxay caabudijireen sanamyada ayaga oo ku dul wareega ama ku dul dawaafa dhagxaanta iyo dhirta. Hase ahaate waxa jirey Afar nin oo ka tirsan reer qureesh oo ka dhexbaxay oo ay u cuntami weyday sanamyada ilaahay lala wadaajinayo ayagoo iclaamiyey in aanay ahayn diinta ay haystaan diintii Nabi Ibraahim.

Waxayna kala yihiin (Sayid ibnu Camr Ibnu Nufayl, Cusmaan ibnu Xuweyrib, Waraqa ibnu Noofal iyo Cabdullahi ibnu Jaxsh.) Waxay qireen in ilaahay yahay kaligii waxayna isku yimaadeen shir ayagoo go’aan ku gaadhay in aan loo fadhiyin waxay reer qureesh caabudayso kadibna midba meel buu ka baadidoonay diin qancisa.

Waraqa Ibnu noofal waxa uu qaatay diinta Nasaarada markii ay diinta islaamku soo gaadhayna wuu muslimay isagoo da’diisu ay weyntahay oo indho beelay.

Sayid Ibnu Camr waxa uu cadaawad u muujiyey Reer Qureesh iyo waxay Eebe la wadaajinayeen waxanu ku yiri Qoomkiisii waan ka gaaloobay sanamyadiina waxaanan rumeeyey Ilaahay oo kaliya manuusan garanayn sida uu eebe u caabudo. Waxa uu diidi jirey inuu cuno cunto aan bisinka loo qaban, haddii uu arko nin dilaya gabadhii uu dhalay waa kala doodi jirey si uu badbaadiyo ruuxaas.

Maalintii danbe ayuu ka baxay magaalada isagoo ku wajahan dhulka Shaam si uu diin u raadsao hase ahaatee markuu jidka marayey ayuu la kulmay nin Baadari ah kadibna waxa uu uga waramay ujeedadiisa, Baadarigii waxa uu ku yidhi kunoqo magaaladaadii waa xilli uu soo bixi doono Nabi kana soo bixi doono Mandaqada aad ka timide.

Markuu jidka mareyey ayaa la dilay Sayid waxaanu ku ducaystay in ilaahay uu hanuuniyo wiiliisa Saciid ibnu subayr.Wiilkiisii waxa uu noqday muslim waxaanu ka mid yahay Saxaabadii Rasuulku ugu bushaareeyey Jannada.

Maadaama ay Cumar ibnu Khadaab iyo Saciid Ibnu Sayid ay is xigaan waxay u tageen Rasuulka (N.N.K.H) waxayna waydiiyeen inay u danbi dhaaf Eebe u waydiin karaan Saciid aabihii oo ah Sayid Ibnu Camr, nabiguna waxa uu ugu jawaabay in Ilaahay uu soo bixin doona Sayid ibnu Camr maalinta Qayaame kaligii isagoo umad ah.

Guurkii Rasuulka iyo Khadiija

Magaalda Makkah waxa ku noolayd gabadh haweena oo nasab iyo sharafba ku lahayd dhexdooda sidoo kale waxay lahayd hanti  kana shaqayn jirtay ganacsiga waa hooyadeen Khdiija Bintu Khuweylid. Maadaama ay maalqabeen ahayd waxay u dirsan jirtey ganacsiga dhulka Shaam si ay xoolaha uga baayacmushatarayso. Maalintii danbe ayaa wilkii u shaqayn jirey ee Maysara ayaa uga waramay Muhammad inuu yahay Aamin looguna jacayl badanyahay magaalada makkah.

Maysara wuxuu u tagay Nabi Muhamad waxaanu uga warramay arrinta ganacsiga ee ay khadiijo usoo bandhigtay waanu ka ajiibay. Nabigu waxa uu la wareegay xoolihii ku jihaysnaa dhulka shaam waxaana raacay Maysara. Jidka markay marayeen ayuu Maysara arkay arrin ka yaabisay, waxa uu arkay in Muhammad dushiisa ay hadhaynayso daruuro ayadoo waqtigu yahay kulayl. Markay u dhowaadeen dhulka shaam ayuu Nabigu fadhiistay geed hoostii, geedkana waxa ku barbar yaalay Dayr lagu cibaadaysto waxaana joogay nin Raahib ah kadibna wuu soo baxay isagoo ku dhagagsan Ninka fadhiya geedka, si kastaba ha ahaatee raahibkii ayaa la hadlay Maysara oo ku yidhi ninkaas maad garan?  waxaanu maysar u sheegay inuu yahay Muhammad ibnu Cabdullahi.  Raahibkii inta uu dhaartay ayuu yidhi Ruux kumuusan dagin geedkaas hadduuse ku dago waan Nabi ka mid ah Nabiyada.

Isla marii ay soo noqdeen oo Ganacsigii u midho dhalay ayuu Maysara uga warramay Khadiija in uu ku arkay Muhammad arrimo layaab leh sidoo kalena waxa uu usheegay in uu fadhiistay geedkii Nabiyada. Markay Kahdiija maqashay ayaa qalbigeedu cajab geliyey Nabiga (N.N.K.H) waxaanay u bandhigtay guur. Nabiguna sidoo kale waxa uu ubandhigay adeeradii waanay ka aqbaleen soona dhoweeyeen ayaga oo mabsuudsan. Nabiga waxa raacay Adeerkii Xamse Ibnu Cabdul-Mudalib waxayna u tagaan Khadiija Aabaheed Khuweylid si ay uga mahersadaan. Khuweylidna arrinkii waa la dhacay oo waa soo dhoweeyey waana laysu maheriyey sidaasbaanay ku aqal galeen. Maherkii lagu maheriyey Khadiija waxa uu ahaa Labaatan Halaad oo Geela.

Nabiga iyo Khadiija waxay ku noolaayeen nolol macaan oo ku dhisan diinta islaamka iyo akhlaaqdii rasuulka (N.N.K.H) Khadiija waxay u dhashay Nabiga dhammaan ubadkiisa marka laga reebo Ibraahim oo ay dhashay Mariya. Ubadkii rasuulka waxay kala yihiin ( Saynab, Umu Kaltuum, Ruqiya, Fadima, Qaasim, Cabdullahi iyo Ibraahim)

Dhisidii Kacbada:-

Rasuulku markay da’diisu maraysay 35 ayaa waxa la xaday khasnadihii kacbada kadibna reer qureesh waxa asiibay warwar waxayna is waydiiyeen sidee loo dhacay khasnadii kacbada!

Kadiban waxay go’aansadeen inay dhisaan kacbada hase ahaatee waa in kacbad la dumiyo si loo sameeyo sees adag. In ladumiyo kacbad ayaa ku adkaatay waxaana mucjiso noqotay in abeeso wayni ka soo baxday kacbada, muddo waxay ka cabsadeen ayaa Eebe usoo diray Shinbir wayn oo qaadatay Abeesadii markaasbay fahmeen in loo idmay inay dhisaan kacbada. Dhismahii kacbada ayaa lagudo galay ayadoo la keenay looxyo badda ka soo caaryey, waxa ka nijaar ahaa nin Qibdiya oo daganaa magaalada Makkah oo cilmi u lahaa dhismaha.

Dhibta ugu badan ayaa ahayd sida loo duminayo kacbada, si kastaba ha ahaatee Waliid Ibnu Muqiira ayaa ku dhiiraday inuu dumiyo kacbada markuu ku guulaysatay in uu burburiyo qayb ka mid ah kacbada ee uu wax ciqaab ahina ku soo dagi waayey ayey reer qureesh fahmeen in loo ogolyahay dhismaha Kacbada. Nin ka mida odayaashii reer qureesh ayaa ku guubaabiyey qoomkiisa inaanay Xoolo xaaran ah ku dhisin Kacbada maadama ay tahay meel muqdas ah. Reer Qureesh waxay ururiyeen lacag iyo xoolo xalaal ah oo aanay ku jirin Ribo iwm.

Kacbada markii la dumiyey ayey ugu tageen seeskii dhagxaan midabkoodu yahay Cagaar kadib markay Sabarada ku dhufteen si ay u kala fujiyaan Dhagxaanta is haysata ayaa Magaalada Makkah oo dhani gariirtay kadibna faraha ayey ka qaadeen oo dhiseen intay awoodayeen sidaa awgeed qaybkacbada ka mid ah ayey ka tagaan walina waa sidii ay uga tageen lamana dhisin oo waxay ka tirsantahay Kacbada. Kacbadii dhismaheedii markii laga farxashay ayaa qabiiladii daganaa magaalada Makkah isku qabteen sharafta cida saaraysa dhagax Al-aswad (Madaw) meeshii loogu talo galay. Markay isku mari waayeen ayaa odaygii ugu da’da waynaa Abu Umaya Ibnu Muqiira ayaa ku taliyey inay cidii albaabka kasoo gasha u gar dhiibtaan waxa uu Eebe damcay inuu noqdo ruuxaasi Nabi Muhamad, isla markay arkeenba way wada aqbaleen ayagoo ku ogaa run sheegiisa iyo daacadnimadiiisa.

Nabigu si uu uqanciyo dhammaan qabiilada oo dhan ayuu ku yidhi waxaad la kaalaydaan Go’ kadibna dhagaxa hoos dhiga kadibna qabiilkastaa hareer ha qabto sidaasbay qabiilkastana sharafta ku qaadanayaan. Markay madaxdii qabiiladu qaadeen dhagaxii ayuu nabigu gacantiisa ku dhigay meeshii loogu talo galay, sidaas ayeyna dhammantood ku qanceen kuna farxeen xikmadii ka burqanaysay Nabiga (N.N.K.H).

Soo diridii Rasuulka (N.N.K.H)

Wixii ugu horeeyey ee Nabiga lagu bilaabay waxay ahayd riyo cad oo uu arko subaxa sidii uu ugu arkay riyada.

Nabiga waa ka dheeraada goobaha ay gaaladii Reer Qureesh ku caabudijireen sanamyada, waxa la jeclaysiiyey khalwada iyo inuu ka dhex baxo meelaha dadku joogaan, waxa uu fadhiisan jiray god ku yaalay buur waa godka Xiraa’. Xaaskiisa Khadiija ayaa Nabiga u keenaysay cunto iyo saadka uu ubaahan yahay. Nabiga (N.N.K.H) intuu ku jiray godka waxa uu ka fakarayey makhluuqaadka Eebe.

Markuu Nabigu buuxiyey sanadkii 40 aad, ayaa maalin si kadis ah usoo galay Nabiga Nin kadibna waa qabtay oo ciijiyey kuna dhahay Akhri, Nabigu waa fajacay waxaanu yidhi anigu waxna ma Akhriyo, hadana waa qabtay oo ciijiyey kuna yidhi Akhri, markii sadexaad ayuu qabtay Nabiga markaasuu yidhi Akhri waxaana soo dagtay markii ugu horeysay quraankii, ninka Ciijiyey Nabiga waa Malag Jibriil (NNKH) suurada waa Iqra…..

اقْرأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ  خَلَقَ الإِنسَانَ مِنْ عَلَقٍ  اقْرَأْ وَرَبُّكَ الأَكْرَمُ

kadibna  Malag Jibriil waxa uu yidhi “Muxamadoow ha cabsan, waxaad tahay rasuulkii ilaahay”  nabiguna waa baxay markaasu arkay malag Jibriil oo suuradiisii Eebe ku sameeyey ah, waxaanu ku lahaa ”Waxaad tahay Nabigii Umadan, rasuulkii ilaahay, aniguna waxaan ahay Jibriil”.

Nabigu (N.N.K.H) intii uu kusoo jiray jidka ayaa waxa usujuuday Dhirta, Dhagxaanta ayagoo salaamaya oo leh “Nabadgalyo korkaaga ha ahaato, waxaad tahay rasuulkii umadan” Nabigu waxa uu yimid gurigiisa isagoo warwarsan kadibna waxa la kulantay xaaskiisa Khadiija, markaasbay ku tidhi wajigaaga waxa ka muuqda warwar ee maxaa ku asiibay?

Nabigu waxa uu ku yidhi ” ma garanaysaa Malagii iigu iman jiray riyada ayaa ii yimid, oo igu dhahay waxaad tahay rasuulkii umadan” Khadiija (N.N.K.H) waxay ku tidhi Nabiga ” Bushaarayso, Eebaan ku dhaartaa waan ogaa inaanu Eebe waxaan wanaag ahayn kugu samaynayn, waanan ogaa inay calaamadihii nabinimadu kaa muuqdeen”

Khadiija waxay u kaxaysa Nabiga Nin ay adeerkeed dhalay oo la dhaho Waraqa Ibnu Nowfal, waxaanu haystay diintii Nabi Ciise (N.N.K.H). Khadiija waxay tidhi waxaad dhagaysataa wiilkan aad adeerka u tahay, markaasu Nabigu uga waramay wixii uu arkay, Waraqa waxa uu ku yidhi Nabiga ” kaasi waa naamuuskii kusoo dagi jiray Muuse iyo Ciise waana Malag Jibriil, waxaanad tahay Rasuulkii umadan, hadii ay da’daydu yartahayna waan kuu hiilin lahaa markuu qoomkaagu kusaarayaan.” Nabigu (N.N.K.H)  waxa uu ku yidhi ” oo miyey i saarayaan” Waraqa waxa uu yidhi “ma jiro ruux waxaad la timid la yimid oon qoomkiisii la dagaalamain, lana coloobin”

Nabigu isagoo la fadhiya xaaskiisii Khadiija ayuu istusay Malag Jibriil, markaasuu Rasuulku ku yidhi Khadiija “waan arkaa Jibriil, kadibna waxay ka fadhiistay dhanka midig iyo dhanka bidixba, markaasay waydiisay inuu wali arko, waxanu ku yidhi wali waan arkaa, markaasay iska qaaday khamaarkii ay madaxa ku sidatay oo waydiisay inuu wali arko Jibriil, Nabigu waxa uu ku yidhi iminka ma arko, Khadiijina waxay ku tidhi: kaasi maaha Shaydaan ee waa Malag kariim ah.

Maalin kale Nabiga (N.N.K.H)  oo wado maraya ayaa maqlay cod, waxaanu fiiriyey dhanka midig, bidix, gadaal iyo xaga horeba waxba waa arki waayey markaasuu eegay Xaga Samada waxaanu arkay malagii ugu yimid godkii Xiraa oo ku fadhiya kursi samad iyo dhulka dhexdooda, waxaana Nabiga qabatay warwar iyo walbahaar, markaasu aaday Ehelkiisii waxaanu ku yidhi “Idada idada” markaasay dadeen kadibna waxa soo dagtay suurada Mudasir.

يَا أَيُّهَا المُدَّثِّرُ  قُمْ فَأَنذِرْ  وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ

kadibna waxa si isdaba jooga usoo dagayey waxyigii, nabigana (N.N.K.H) qalbigiisa waa dagay oo xasilay. Maalin maalmaha kamida ayaa Malag Jibriil u waxyooday Rasuulka (N.N.K.H) in Eebe uu salaamayo Khadiija, looguna bishaareeyo in Eebe u dhisay guri Jannada ah.

Rumayntii Nabiga (N.N.K.H)

  • Dumarka waxa ugu hor rumeeyey Khadiija Bintu Khuwaylid (N.N.K.H)
  • Raga waxa ugu hor rumeeyey Saaxiibkii Abuubakar Sadiiq (N.N.K.H)
  • Caruurta waxa ugu hor rumeeyey inaadeerkii Cali Binu Abudalib (N.N.K.H)
  • Adoomada waxa ugu hor rumeeyey Sayid Binu Xaarisa (N.N.K.H)
  • sidoo kale waxa rumeeyey Waraqa binu Noofal (N.N.K.H)

markuu islaamay Abuubakar waxa uu diinta ugu yeedhay dadkii ka ag dhowaa, iyo saaxibadii waxaana gacantiisa kusoo islaamay Subayr ibnu Cawaam, Dalxa binu Cubaydillah, Cusmaan binu Cafaan, Sacad binu waqaas iyo Cabdiraxmaan ibnu Cawf.

diintu si yar ayey ku faaftay, dadkii soo hor galay islaamkana waxa Eebe ugu yeedhay ” Sabiqiin Al-awaluun”. waana saxaabadii Eebe ka raaliga noqday.

Nabiga waxa la baray qaabkuu u wayso qaadanayo iyo qaabka loo tukado, sidoo kale waxa la baray salaadaha xilliyada la tukado, salaaduhuna waxay ahaayen laba rakcadood oo kaliya.

Sadex sano waxay dacwadu ku socotay si sir ah, kadibna Nabiga (N.N.K.H) waxa la faray inuu dacwada u bandhigo ehelkiisa iyo qaraabadiisa.

وَأَنذِرْ عَشِيرَتَكَ الأَقْرَبِينَ     وَاخْفِضْ جَنَاحَكَ لِمَنِ اتَّبَعَكَ مِنَ المُؤْمِنِينَ    فَإِنْ عَصَوْكَ فَقُلْ إِنِّي بَرِيءٌ مِّمَّا تَعْمَلُونَ

Nabiga waxa la amray inuu u digo qaraabadiisa, gaadhsiiyana dacwada iyo risaalada diinta Islaamka. kadibna waxa uu iskugu yeedhay qaraabadiisii reer bani Haashim oo ka koobnaa 45 nin, intii aanu hadalka bilaabin Nabigu (N.N.K.H) ayaa waxa hadlay adeerkii Abulahab waxaanu ku yidhi:- “Muxamadoow jooji waxaad wado, waligay hore umanaan arag waxaad wado” Nabigu (N.N.K.H) waxa uu ku yidhi qoomkiisii “Eebaan ku dhaartee waxaan idiin ahay Rasuul, waydaan dhimanaysaan sidaad u seexataan oo kale, waana laydin soo sarayaa sida aad uga soo kacdaan hurdada oo kale”

Adeerkii Abudaalib ayaa ku yidhi “Wiilkan adeerka u ahaw, waxaan ka jeclahay diintaada ma jiro, balse ma doonayo inaan badalo diintii aabahayo, kuna soco dacwadaada cidina kuuma soo dhowaanayso” Abudaalib iyo walaalkii Abulahab ayaa hadalkoodii isku batay, maraasu Rasuulku ogaaday in adeerkii Abudaalib garabkiisa yahay.

Markuu Nabigu si gaara ugu yeedhay qaraabadiisii ayuu gudo galay inuu u yeedho dadka kele ee dagan magaalada Makkah, kadibna inta uu fuulay buurta Safa ayuu iskugu yeedhay dhamaan qabiiladii daganaa magaalada.

Nabigu (N.N.K.H) waxa uu ku yidhi “qoomkaygoow hadaan idin dhaho buurta gadaasheeda cadaw ayaa idinka soo duulaya ma i rumaysanaysaan! waxay wada dhaheen haa, oo hore kaagamaanan tijaabin been, markaas ayuu Nabigu ku yidhi waxaan idiin ka digayaa cadaab daran, waxaanu u yeedhay qabiil kasta ugana digay naar iyo maalinta aakhiro. Adeerkii Abulahab ayaa ku yidhi hoog ku sugnaaye ma waxaasaad iskugu kaayo yeedhay, markaas ayey soo dagtay Suurada Al-Masad.

تَبَّتۡ يَدَآ أَبِى لَهَبٍ۬ وَتَبَّ (١) مَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُ مَالُهُ ۥ وَمَا ڪَسَبَ (٢) سَيَصۡلَىٰ نَارً۬ا ذَاتَ لَهَبٍ۬

Reer Qureesh waxay u dacwad tageen Nabiga adeerkii Abudalib, waxayna ku dhaheen ” wiilkaad adeerka u tahay waxa uu caayey ilaahyadayadii, waanu ceebeeyey ee lahadal ama nagu fasax” Abudaalib waxa uu uyeedhay Nabiga (N.N.K.H) kuna yidhi wiilkaygoow qoomkaagii way ii yimaadeen ayagoo kaa dacwoonaya ee ka jooji dacwada aad wado, Nabigu waxa ugu jawaabay “Eebaan ku dhaartay hadii ay Qorraxda saaraan gacantayda midig, Dayaxan saaraan gacantayda bidix kama tagayo diintaydan” kadibna waa iska dhaqaajiye Rasuulku (N.N.K.H). Abudaalib ayaa ka dab yeedhay Nabiga kuna yidhi ”wiilkaygoow sii wad dacwadaada, inta aan noolahay kuma soo gadhayaan”. sidoo kale wiilkiisa Cali ibnu Abudaalib maysan gaadhsiin karayn wax dhiba, sababtoo ah waxa ka difaacaya Aabihii Abudaalib. Nabigu waa ku farxay hadalkii adeerkii waanu sii waday faafintii diinta islaamka.

Hijradii dhulka Xabashida:-

Nabigu markii uu dacwadiisii sare u qaaday ayey gaaladaii dhib aad ubadan u gaysteen dadkii ducafada ahaa ee rumeeyey Nabiga (N.N.K.H) kadibna Nabigu waxa uu usoo jeediyey saxaabadiisii inay u hijroodaan (uqaxaan ) dhulka xabashida oo uu haystay boqor caadila, dabadeedna qaar kamida saxaabadii ayaa u haajiray dhulka Xabishada. Waxa ugu hor haajiray Cismaan ibnu Cafaan iyo xaaskiisa Ruqiya, waxayna ahaayeen laba iyo toban nin iyo afar gabdhood.

Gaaladii markay u adkaysan kari waayeen dacwada ayey Nabiga adeerkii Abudaalib usoo bandhigeen in wiil uu korsado siinayaan laakiin waa inaad muhamed noo dhiibtaa si loo dilo. Abudaalib waxa uu yidhi “Ma waxaan idiin dhiiba wiilkayga si aad udishaan kiinana aan u koriyo”.

Islaamnimadii Xamse iyo Cumar ibnu Khadaab:-:-

Abujahal ayaa maalin caayey oo aflagaado u gaystay Nabiga (N.N.K.H) kadibna gabadh ayaa aragtay Xamse oo ku tidhi ”Abujahal wiilkii aad adeerka u ahayd waa aflagaadeeyey oo caayey” dabadeedna Xamse waa carooday kadibna inta uu seeftiisa soo qaatay ayuu u yimid Abujahal oo madaxa ku dhuftay ilaa dhiig ka da’ay, waxaanu ku yidhi maxaa kuu geeyey wiilka aan adeerka u ahay anigoo diintiisa ku jira. Sidaasbaanu u islaamay.

Sadex casho kadib islaamnimadii Xamse waxa soo islaamay Cumar ibnu Khadaab, waxaana xoogaystay safkii muslimiinta. Faahfaahinta ka akhriso maqaalka (Siiradii Cumar ibnu Khadaab)

Dhibaatooyinkii loo gaystay Nabiga iyo Asxaabtiisa.

  • Maalin ayaa Abujahal ku yidhi Nabiga (N.N.K.H) Muhamadoow hadii aanad joojin cayda aad ku haysid ilaahyadayda (Sanamyada) anaguna waxaan caayaynaa Eebe, markaas ayey soo dagtay aaydahan Quraanka ah.

وَلَا تَسُبُّواْ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ فَيَسُبُّواْ ٱللَّهَ عَدۡوَۢا بِغَيۡرِ عِلۡمٍ۬‌ۗ

” Ha Caayin waxay Caabudi oo Eebe ka soo Hadhay oo Markaas iyana Caayaan Eebe Colnimo iyo Cilmi la’aan” Al-ancaam 108.

  • Maalin ayaa Cuqba ibnu Maciid u yeedhay Nabiga (N.N.K.H) si uu ula cuno cunto, markaasu Nabigu ku yidhi cuni maayo cuntada ilaa aad ka islaamto oo aad qirto Shahaadada, kadibna waxa uu ka xishooday in laga cuni waayo cuntada markaasu shahaadada ku dhawaaqay, markaasuu Nabiguna cunay cuntadii lagu sooray, dabadeedna arrinkii ayaa ku faafay Qureesh markaasay ka xumaadeen gaar ahaan Ubaya Ibnu Khalaf ayaa ku yidhi hadii aanad ka gaaloobiin Muhamed wajigayga iyo kaagu isma qabanayaan mar danbe, kadibna cadawga ilaahay inta uu Nabiga u tagay ayuu candhuuf ku tufay oo caayey markaasbay ku soo dagtay Aaydkan Quraanka.

وَيَوۡمَ يَعَضُّ ٱلظَّالِمُ عَلَىٰ يَدَيۡهِ يَقُولُ يَـٰلَيۡتَنِى ٱتَّخَذۡتُ مَعَ ٱلرَّسُولِ سَبِيلاً

”Xusuusana Maalintuu Qaniini Daalimku Gacantiisa (Faraha) Isagoo Dhihi Shalleytee maan Yeesho la Jirka Rasuulka Jid (maan Rumeeyo). Al-Furqaan 27.

  • Maalin kale ayuu Umaya ibnu Khalaf u yimid rasuulka asagoo wata lafo baaliyoobay kadibna inta uu burburiyey ayuu ku tuuray Nabiga (N.N.K.H) markaasu ku yidhi ”Ma adiga ayaa sheegtay in lafahaa dib loo soo noolaynayo” markaasaa Ilaahay soo dajiyey Aayadkan

قُلۡ يُحۡيِيہَا ٱلَّذِىٓ أَنشَأَهَآ أَوَّلَ مَرَّةٍ۬‌ۖ وَهُوَ بِكُلِّ خَلۡقٍ عَلِيمٌ

” Waxaad dhahdaa waxaa noolayn Eebihii abuuray markii horaba, abuur walbana waa ogyahay” Yaasiin, Ayada 79.

  • Reer Qureesh markay arkeen in Nabiga dacwadiisa sii wato ayey isugu yimaadeen shir lagu gorfaynayo sidii loo xakamayn lahaa dacwada, kadibna waxay u yeedheen Nabiga (N.N.K.H) kuna dhaheen ”Muhamdoow waxaad caabudaa ilaahaydayada Maalin anaguna ilaahaaga ayaan caabudaynaa maalin, markaasuu Nabigu ku gacan saydhay hadana waxay dhaheen waxaan caabudaynaa sanad ilaahaaga ee adiguna caabud ilaahayaga hal maalin oo kaliya, markaasuu Nabigu diiday, markaasaa Eebe soo dajiyey Suurada 109 ee Kaafiruun.

قُلۡ يَـٰٓأَيُّہَا ٱلۡڪَـٰفِرُونَ (١) لَآ أَعۡبُدُ مَا تَعۡبُدُونَ (٢) وَلَآ أَنتُمۡ عَـٰبِدُونَ مَآ أَعۡبُدُ

”Waxaad dhahdaa, Gaalooy. Ma caabudayo waxaad caabudaysaan. Idinna ma caabudaysaan Eebahaan caabudi.”

  • Dadkii ugu dhibta badnaa waxay ahaayeen jaarkii Nabiga, waxayna ahaayeen (Abujahal, Xakam ibnu Caas iyo Cuqba ibnu Maciid) waxay soo qaadi jireen wasakhda gaar ahaan xiidmaha iyo caloosha xoolaha la gawraco, markaasay hor dhigi jireen guriga Nabiga hortiisa, Nabiguna markuu arko ayuu wasakhda ka qaadi jiray guriga, markaasu dhihi jirey meeday xuquuqdii jiiraanku?!
  • Maalin Nabiga (N.N.K.H) oo tukanaya ayey dad gawraceen neef geela, kadibna madaxdii Qureesh ayaa ku tashatay inay mindhicrada neefka xoolaha ah laga saaro dusha Rasuulka, markaas waxa qaaday Cuqba oo dusha ka saaray madaxa rasuulka sharafta leh markaasay dhamaantood qosol la jeesteen arrintaa foosha xun ee ay ku kaceen awgeed, dabadeena Nabiga inantiisii Faadima ayaa ka qaaday wasakhdii madaxa rasuulka (N.N.K.H). Markuu Nabigu dhamaystay Salaadii ayuu habaaray (Cuqba, Shayba, Cutba iyo Waliid) saxaabiga warinaya xadiiska waxa uu yidhi dhamaan intii uu Nabigu magacaabay waxa lagu laayey dagaalkii Badar.
  • Markii ay soo dagtay Suurada 53aad ee Najm ayaa Nabigu ku dul akhriyey madaxdii Qureesh ayagoo jooga kacbada, kadibna markuu gaadhay aayda ugu danbaysa ee suurada Najmi ayuu Nabigu sujuuday kadibna dhamaan dadkii maqlay Qur’aanka way kadaba sujuudeen, dabadeedna warkii ayaa faafay oo waa lagu sheekaystay in madaxdii Qureesh ay u sujuuday Qur’aankii Muhamed, markaa warkii waxa uu gaadhay Saxaabadii u qaxday dhulka Xabashida dabadeena qaar ka mid ah ayaa mooday in qoomkoodii islaamay markaasay soo noqdeen hase ahaatee waxay ogaadeen inaanay islaamin ee warku iska faafay, sidaa awgeed badh ka mid ah saxaabada ayaa kusoo laabtay Makkah.

Go’doonkii iyo cunaqabataytii lagusoo rogay Nabiga iyo Saxaabadiisa.

Markay gaaladii Qureesh arkeen inaanay joojin karayn dacwada, ayey shireen oo go’aansadeen cunaqabatayn ka dhan ah Nabi Muhamed iyo ehelkiisa reer ban Cabdul-Mudalib iyo reer banu Haashim, shuruudaha cunaqabataytu waxa uu ahaa inaan waxna laga iibin lagana iibsan, inaan laga guursan waxna loo guurin, kaalmo iyo macuunad inaan la siin sidoo kale cidii isku dayda inay caawiyaana laga joojiyo, go’aankii ayaa lagu qoray warqad oo waxa lagu dhajiyey gidaarka Kacbada.

Kadib Nabiga iyo adeerkii Abudaalib waxay ubaxeen debada Makkah meel loogu yeedho (Shacab Abudaalib) waxaana ku adkaatay maciishadii oo waa loo diiday cunto iyo inay wax gataan. Gaajadii ayaa badatay oo waxay gaadhay heer wax la cuno la waayo. Dadka ka yimaada magaalada Makkah dibadeeda waa laga hor tagi jiray oo laga mamnuuci jiray inay wax gadaan.

Maalin ayuu (Xakiim ibnu Xisaam) isku dayey inuu caawiyo oo cunto u geeyo, balse fircoonkii umadan (Abujahal) ayaa kasoo hor baxay waxaanu waydiiyey cida uu usido cuntada, Xakiim waxa uu yidhi ”Xorbaan ahay cidaan doono ayaan siinayaa cunatada” Abujahal waxa uu yidhi waxaad u sidaa Muhamed iyo qoomkiisa wallahi uma gaynasid ayuu yidhi Abujahal. Ayagoo is haysta ayaa waxa u yimid Abu-Bukhtari markaasbuu ku yidhi Abujahal ”Maxaa kaa galay Xakiim cidii uu doono ayuu siin cuntada” kadibna Abubukhtari ayaa la dagaalamay Abujahal oo waliba ka roonaaday, Xakiimna cuntadii ayuu u geeyey Nabiga iyo Saxaabadiisii.

Markay baahidii badatay oo ay socotay mudo dhan sadex sano ayaa madax ka tirsan Qureesh (Hishaam ibnu Camr) ayaa ka xumaday go’doonka waxaanu utagay (Suhayer ibnu Umaya) kuna dhahay ” Ceeb ayey ianagu tahay inaan mudo sadex sano gaajaysiino qoomkeena ee aynu burino go’aanka cunaqabatayta, kadib waxay dhaheen waxaan u baahanahay rag kale oo ina caawiya dabadeedan waxay u tageen (Madcam ibnu cadiyy iyo Abubukhtari) markaasbay inaty tageen golihii Qureesh dhaheen waaan burinay Go’aankii cunaqabataynta, isla markiiba Abujahal ayaa ka hor yimid balse waa laga awood roonaaday, markaasay galeen kacbada si ay u fujiyaan warqadii go’aanku ku yaalay kadibna waxay u tageen warqadii oo aboor cunay, kaliya waxa uu aboorku ka reebay meeshii ay ku qornayd (bismillah) sidaasbaana lagu burburiyey go’doonkii.

Geeridii Nabiga Adeerkii iyo Xaaskiisa (Abudaalib iyo Khadiija)

Sanadkii tobnaad ee hijriga ka hor waxa geeriyooday Nabiga (N.N.K.H) adeerkii Abudaalib, kadibna waxa Nabiga loo sheegay inuu geeridii kusoo dhowaatay Abudaalib markaasbuu u tagay oo ku yidhi ”Adeer waxaad dhahdaa (لا اله الاالله) kalmad aan maalinta Aakhiro kugu difaaco” isla markiiba fircoonkii umadan ee Abujahal ayaa ku yidhi ”Abudaaliboow ma waxay carab ku sheekaysan Abudaalib ayaa diintiisii badalay, kadibna Abudalib waxa uu ku adkaysatay diintii aabayaashii, manuusan islaamin waanu dhintay.

Geerida Abudaalib waxa Nabiga kasoo gaadhay dhib, sababtoo ah waxa uu ahaa cidii difaacaysay markay Qureesh u tashato inay Rasuulka wax yeelaan.

Bil kadib waxa geeriyootay (Khadiija bintu Khuwaylid) Nabiga xaaskiisii ilaahay raali ha ka ahaadee, waxaana sidoo kale nabiga kasoo gaadhay dhib badan geeridan.Khadiija waxay ahayd ruxii ugu horeeyey ee islaamay, Nabigana soo gacan qabtay sidaa awgeed waxa Nabigu ugu bushaareeyey ayadoo nool guri ku yaala Jannada, Ilaahay raali haka noqdo.

Dhibtii oo sii xoogaysatay:-

Geeridii Abudaalib kadib waxa sii xoogaystay dhibtii Qureesh ku haysay Nabiga, sidoo kale dadka Nabiga rumeeyey waxay ahaayeen 70 saxaabi oo kaliya mudadaa dhan tobanka sanadood, markaa Nabigu waxa uu dareemay inuu u baahan yahay cid difaacda oo uu ku iirto marka lasoo weeraro.

Nabigu (N.N.K.H) waxa uu ubaxay safar lug ah magaalada Daa’if, markuu galay agagaarka Daa’if ayuu Nabigu (N.N.K.H) la kulmay sadex wiil oo walaalo ah waa (Cabduyalayl, Mascuud iyo Xabiib) waxa dhalay (Camr ibnu cumayr) markaasuu la hadlay oo u bandhigay diinta Islaamka, balse sadexduba way diideen inay galaan diinta sidoo kale waxay u diideen in Nabigu dad kale la kulmo, waxayna ururiyeen caruurtii iyo maatadii kuna direen Nabiga (N.N.K.H) kadibna caruurtii ayaa Nabigii Ilaahay dhagxiyey ilaa uu dhiigu ka qubtay lugihiisa.

Nabigu waaa iskaga baxay Daa’if asagoo ku wajahan Makkah balse cid qaabisha la’ markaasbuu ku nastay beer ay lahaayeen (Cutba iyo Shayba) oo ku taalay Daa’if iyo Makkah dhexdeeda, dabadeed markay arkeen in Nabiga dhiig ka da’ayo ayey u naxariisteen oo marti qaadeen

Wiil u shaqaynayey ayaa Nabiga cunto u keenay, wiilka waxa la dhahaa (Cadaas) markuu cuntadii Nabiga hordhigay ayuu Nabigu ku bilaabay (Bismillaah) wiilkii waa yabay waxa uu ku yidhi ”Waa maxay hadalakan aan carabtu odhanin” Nabiguna waxa uu ku yidhi xagaad ka timid, wiilkii waxa uu yidhi waxaan ka imi (Niinawaa) oo ku taala waqooyiga Ciraaq. Nabigu waxa uu yidhi ”Waa magaaladii Yuunus ibnu Mataa. Wiilkii waa yaabay oo waxa uu yidhi ”Sidaad ku garatay, cid taqaanba malaha Yuunus” Nabiguna waxa uu yidhi ”Yuunus waa Nabi oo walaalkay, aniguna waxaan ahay Nabi” wiilkii inta uu kacay ayuu Nabiga madaxa ka dhunkaday/shuumiyey.

Cutba iyo Shaybana way yaabeen, waxayna dhaheen ” bal eeg daqiiqad gudaheed ayuu ku fitneeyey wiilkii” subxaanallah.

Kadiban Nabigu waxa uu gudo galay inuu ducaysto waxa ka mida ahaa ducadiisii:-

اللهم اني اشكو اليك ضعف قوتي وقلة حيلتي وهواني على الناس ، انت رب المستضعفين وانت ربي لا اله الا انت ، الى من تكلني ؟ الى قريب يتجهمني ، ام الى عدو ملكته امري ، ان لم يكن بك سخط علي فلا ابالي غير ان عافيتك هي اوسع لي ، اعوذ بنور وجهك الكريم ، الذي اضاءت له السموات والأرض وأشرقت له الظلمات ، وصلح عليه امر الدنيا والآخرة من أن يحل علي غضبك او ينزل علي سخطك لك العتبى حتى ترضى ولا حوة ولا قوة لنا الا بك

Dabadeedna waxa soo dagay Malag Jibriil (N.N.K.H) iyo malagii Buuraha, waxayna ku dhaheen Nabiga ”Hadii aad doonto amar malaga buuraha haysku dhufta buuraha Daa’f, si ay u halaagsamaan dadka dagan oo dhan, laakiin Nabiga (N.N.K.H) waxa uu yidhi ”waxaan dhabarkooda ka rajaynayaa kuwo Eebe rumeya”

Nabigu (N.N.K.H) ma haysto cid iminka difaacda, markaa waxa uu ka dalbaday madaxdii Qureesh inay amaan siiyaan, balse badankkodu way diideen; ugu danbayn waxa ogolaaday Madcam ibnu Cadiyy, kadibna nabigu waxa uu galay kacbada sharafta leh waxaana ilaalinayey Madcam iyo wiilashiisa, markay Qureesh arkeen ximaayda Madcam ayaa Abaa Sufyaan wadiiyey Madcam ”miyaad rumaysay mise waxaad siisay amaan? Madcam waxa uu yidhi :- Amaan ayaan siiyey, markaasbay iskaga tagaan, sababtoo ah haduu odhan lahaa waan rumeeye way la dagaalami lahaayeen.

Farajkii Eebe:-

Eebe waxa uu doonay inuu Nabigiisa ka fudaydiyo dhibta faraha badan, dabadeedna maalin ayuu Nabigu iyo saxaabiga Cabdilaahi ibnu Mascuud u baxeen debada magaalada Makkah, markaas ayuu Nabigu ku yidhi Cabdilaahi halkan sii fadhiiso kadibna Nabigu meel ka durugsan ayuu fadhiistay waxaanu la kulmay Qoom Jinka ka mid ah waxa la dhahaa (Qabiilka Niisabiin) dabadeedna Nabiga ayaa ku dul akhriyey Quraanka waanay rumeeyeen diinta Islaamka, sidaasbaanay diinta Islaamku ugu fiday Jinka, waxaana ka warramaya Aayado badan oo Quraanka ah. Jinkii oo dacwada ugu yeedhaya qoomkoodii ayaa waxay leeyihiin:-

يَـٰقَوۡمَنَآ أَجِيبُواْ دَاعِىَ ٱللَّهِ وَءَامِنُواْ بِهِۦ يَغۡفِرۡ لَڪُم مِّن ذُنُوبِكُمۡ وَيُجِرۡكُم مِّنۡ عَذَابٍ أَلِيمٍ۬

” Qoomkannow ajiiba (raaca) uyeedhaha xaqa Eebe, rumeeyana, dambigiinna Eebe ha dhaafee, hana idinka koriyo caddibaad darane”

Dheelmintii Nabiga:-

Malakul Jibriil ayaa u yimid Nabiga oo hurda kadibna waa kiciyey oo way baxeen waxaanu Nabigu fuulay Bureeqa (daabad ka wayn dameerka kana yar baqasha) oo ku soconaysa xawaare aad u sarreeya, waxaana bilabantay safarkii cajiibka ahaa. Nabigu waxa uu gaadhay Baytul Maqdaska oo ay joogaan dhamaan Nabiyadii iyo rusushii oo dhan, kadibna imaam ayuu unoqday halkaasbaanu ku tujiyey nabiyadii. Salaadii kadib ayaa malakul Jibriil kala doorarsiiyey Nabiga laba weel, mid ay ku jirto khamri ka kalana ay ku jirto caano, nabigu waxa uu doortay kii ay caanuhu ku jireen, markaas ayuu Jibriil ku yidhi waad hanuuntay adiga iyo umadaadaba.

Nabigu waa sii watay safarkiisii kadibna sare ayaa loo qaaday waxaanu gaadhay Samada Kowaad, markaasuu garaacay Albaabka isaga iyo malaku jibriil. Samada koowaad waa laga furay waxaanu arkay Nin dheer oo dhererkiisu yahay 60 mitir, Ninkaas oo eegaya dhanka midig iyo dhanka bidix  markuu eego dhanka midig wuu qoslayaa markuu eego dhanka bidixna wuu oynayaa, kadibna waxa loo sheegay inuu yahay Nabi Aadam oo markuu eego dhanka midig waxa uu arkayaa ubadkiisa Jannada galaya, marka uu fiiriyo dhanka bidixna ubadkiisa Naarta galaya waanu oynayaa.

Nabiga waxa kale oo la tusay dad dabaalanaya wabi dhiig ah, markay soo gaadhaan wabiga afkiisa waxa lagu tuurayaa afkooda dhagxaan waxaana lagu yidhi dadkaasi waa dadka cuna xoolaha agoonta.

Hadana waxa uu arkay dad ay calooshoodu buurantahay oo lagu tumanayo waxaana loo sheegay Nabiga in kuwaasina yihiin dadka cuna Ribada. Nabigu waxa uu ugudbay Samada sadexaad waxaanu ku arkay Nabi Ciise iyo Nabi Yaxye naxaraiis korkooda ha ahaatee.

Samada Afaradna Nabigu waxa uu ku arkay Nin aad u qurux badan waa Nabi Yuusuf (N.N.K.H), kadibna waxa uu usii gudbay samada shanaad waxaanu ku arkay Shiikh oday ah waa Nabi Haaruun (N.N.K.H).

Samada Lixaad waxa uu ku arkay sidoo kale Nabi Aadam (N.N.K.H) oo midankiisu yahay maariin, dabadeedna waxa uu gaadhay Samada todobaad waxaanu ku arkay Masjid wayn oo malaa’iktu usoo xaj tagto waa (Baytul macmuur) maalin kasta waxa ku dawaafa  70000 oo malag kumana soo noqdaan. Sidoo kale samada todobaad waxa uu ku arkay Nin fadhiya Masjidka oo u eeg Nabiga (N.N.K.H) ninkaasina waa Nabi Ibraahiim (N.N.K.H).

Isla goobtaas ayaa Nabigu arkay Malakul Jibriil (N.N.K.H) hay’adii uu Eebe ku abuuray, kadibna waxa uu usii gudbay rasuulku (N.N.K.H) sidratul-muntahaa agteeda, halkaas ayuu Malag Jibriil (N.N.K.H) kaga hadhay rasuulka, waxaanu ku yidhi ”Muhamdoow hadaan sii gudbo waan guban” nabiga (N.N.K.H) waa sii gudbay waxaanu gaadhay meel aan waligeed Malag iyo Bashar toona gaadhin, waa la karaameeyey Rasuulka (N.N.K.H).

Kadibna waxa uu arkay nuurkii Eebe, waxaana la soo faray Rasuulka Salaadaha oo ka koobnayd konton salaadood balse Nabigu waxa uu la kulmay Nabi Muuse oo kula taliyey inuu Eebe ku noqdo oo laga dhimo Salaadaha, ugu danbayn waxa lagu waajibiyey dadka muslimka ah Shan salaadood.

Nabigu waa soo noqday waxaanu jidka kusii arkay dad safar ah oo wata geel dabadeedna hal ayaa dareentay oo firdhatay kadibna Nabigu waa la hadlay dadkii oo ku yidhi ”Hashiinii waxay joogtaa meel  loo cayimay” kadibna Nabigu isagoo haraadan ayuu biyo ka cabay dadkii safarka ahaa, isla habeenkii ayuu Nabigu (N.N.K.H) soo noqday.

Nabiga (N.N.K.H) oo faraxsan subixii ayaa Abuujahal la kulmay oo waydiiyey waxa uu ka fakarayo, nabigu waxa uu ku yidhi ”xalay waxaan tagay Baytul maqdas” Abujahal waa yaabay oo isugu yeedhay dadkii oo dhan oo ku yidhi ”maanta ayey cadaatay beentii Muhamed sheegi jiray” kadibna qomkii ayaa yidhi sidaad u tagtay meel aan usocona bil dhan, dabadeedna waxay dhaheen hadii aad tagtay sifee sida uu eegyahay Baytulmaqadasku.

Nabiga (N.N.K.H) waxa la horkeenay sawir Baytulmaqdas kadibna waa uga jawaabay dhamaan su’aalihii la waydiiyey.

Isku daygii lagusoo celinayey Saxaabadii u qaxday dhulka Xabashida.

Qureesh waxay dirtay laba nin (Cabdilaahi ibnu Rabiica iyo Camr ibnu Caas) waxayna uqaadeen hadyad aad u badan boqorkii xabashida ee Najaashi iyo baadariyadii ka ag dhowaa, waxayna dhaheen ”Niman ayaa naga soo baxsaday aan diintayadana haysan tiinana soo galin ee in naloo soo celiyo ayaan rabanaa”. Boqorkii Najaashi waxa uu waraystay muslimintii oo uu hogaaminayey Jacfar ibnu Abudaalib, waxaanu uaga warramay xaaladooda iyo sidii ay ahaayeen islaamka ka hor.

Ugu danbayn Najaashi waa udiiday inuu usoo celiyo Muslimiintii joogay xabashida, waxaana loo ogolaaday inay ku noolaadaan dhulka xabashida.

Mudo kadib ayuu geeriyooday boqorkii xabashida ee Najaashi waxaanu galay diinta Islaamka, kadibna Nabiga ayaa ku tukaday salaada janaasada ilaahay ha unaxariisto.

Mucjisooyinkii Nabiga (N.N.K.H)

  • Qureesh ayaa utimid Nabiga waxayna ku dhaheen kuma rumaynayno ilaa aad na tusto mucjiso, Nabiguna waxa uu yidhi ”Ma rumaynaysaan hadii uu dayaxu kala qaybsamo” waxay wada dhaheen haa, kadibna dayaxii ayaa kala qaybsamay dadkii oo dhana way arkeen markaasbay yidhaahdeen waad na sixirtay.
  • Nin la dhaho Rukaana ayaa ku yidhi Nabiga (N.N.K.H) ila lagdan kadina nabigu waa lala lagdamay oo ka roonaaday sadex jeer, kadibna waxa uu yidhi Muhamadeoow kuma rumaynayo ilaa uu geedkaasi hadlo, dabadeedna ilaahay qudaradiisa waxa geedkii ku dhawaaqay Shahaadada, Rukaana waa yaabay oo yidhi waa sixir.

Moosimkii Xajka:-

Nabigu waxa uu gudo galay inuu moosimka Xajka la kulmo qabiilada ka imanaya dabada Makkah si uu ugu bandhigo diinta islaamka, balse waxa Nabiga raaci jiray Abulahab oo ka daba hadli jiray Rasuulka oo odhanayey” Ha rumaysanina waa beenaale”

Nabigu waxa uu la kulmay Nin la dhaho (Suweyd ibnu Saabit) waxaanu damcay inuu usoo bandhigo diinta islaamka balse Suweyd ayaa yidhi “hadalkaaga wax ka fiican ayaan haystaa, waxaanu akhriyey dardaarankii Luqmaan oo carabtu kala dhaxli jirtay” markuu dhameeyey ayuu Nabigu ku yidhi “Waa hadal fiican ee anigana kayga dhagayso, waxaanu ku dul akhriyey Quraanka” Suweyda waxa uu yidhi “waa hadal fiican” mudo kadib ayuu islaamay.

Islaamnimadii Ansaarta:-

Sanadkii tobnaad ee hijriga waxa uu nabigu la kulmay qolo ka socota qabiilka Khasraj oo ka timid Madiina si ay ugu xajaan Makkah, waxayna kala ahaayeen (Ascad ibnu Zaraara, Cawf ibnu Xaaris, Raafic ibnu Maalik, Qudba ibnu Caamir, Cuqba ibnu Caamir iyo Jaabir ibnu cabdilaah) waxayna qaateen diinta islaamka, kuna faafiyeen magaalada madiina, sanadkii xigay ayey yimaadeen waxayna Nabiga lagaleen heshiis loogu magacdaray ballantii dumarka.

Sanadkii laba iyo tobnaad ee hijrada ka hor ayaa waxa yimid moosimkii xajka 73 nin iyo laba gabdhood oo muslimay waxayna ballan la galeen Nabiga si qarsoodi (ballantuna waxay ahayd inay nabiga difaacaan).

Hijradii Rasuulka:-

Nabigu waxa uu faray asxaabtiisa inay u qaxaan magaalada madiina, dhamaantoodna way baxeen marka laga reebo Cali ibnu Abudaalib iyo Abubakar iyo dadkii gaaladu udiiday inay hijroodaan.

Abubakar waxa uu waydiin jiray Rasuulka inuu hijroodo laakiin Nabiga waxa uu ku yidhi ” Ha dagdagin waxay u dhawdahay inuu Eebe saaxiib kuu yeelee” Abubakar waxa uu filayey inuu Nabiga la haajiri dono.

Caasha waxay tidhi ”Maalin annagoo fadhina guriga Abubakar ayaa rasuulku soo maray xilli aanu hore looga baran kadibna Abubakar ayuu usheegay in loo fasaxy inuu haajiro”

Gaaladii Qureesh way shireen waxayna go’aamiyeen in qabiil kasta laga soo xulo wiil si loo khaarijiyo Rasuulka (N.N.K.H) kadibna reer Cabdu Manaaf ula dagaalami karin qabiilada oo dhan. Hase ahaatee Eebe ayaa ka badbaadiyey dhagartii gaalada. Goor ay tahay habeen oo gaaladii hareeraysay gurigii Nabiga ayuu kasoo baxay guriga manaysan arkin kadibna Nabigu waxa uu madaxa kaga shubay ciid mid kasta asagoo akhrinaya Suurada Yaasiin.

Nabigu (N.N.K.H) waxa uu uyimid Abubakar, waanay baxeen ayagoo ku wajahan magalada madiina, gaaladiina Eebe waa ka indha saabay waxayna galeen godka (Xiraa’). Sidoo kale waxay ijaarteen Cabdullahi ibnu Urayqid oo haysaty diita Qureesh hadan waa caawiyey sababtoo ah waxa uu kala yaqaanay wadooyinka loo maro Madiina. Caamir ibnu Fahiira oo adhiga raacayey ayaa xoolihii ku tirtiray raadkii Nabiga iyo Abubakar.

Asma binu Abubakar ayaa u samaynaysay cuntada, waxayna u qaadi jirtay xilliga habeenka ah, halka walaalkeed Cabdullahi ibnu Abubakar uu soo dhagaysan jiray Qureesh warkeeda kadibna u gudbin jiray Nabiga (N.N.K.H).

Maalintii sadexaad ayuu Nabigu ka baxay godkii waxaanu gaaray Madiina. Qofkii ugu horeeyey ee arkay Nabiga waxa uu ahaa Nin Yahuudiya waana qayliyey isagoo leh Muhamed wuu yimid.

Ansaartii way soo dhoweeyeen Nabiga waanay salaameen, waxaanu Rasuulku ku dagay deegaanka Quba’ gurigii (Kalthuum ibnu Hadmi) waxa kaloo la dhahaa waa (Sacad ibnu Khaytamah). Muslimiintii ayaa u yimid Nabiga ayagoo faraxsan manaysan garanayan badankoodu oo waxay moodeen Abubakar oo cirro badan lahaa, markii ay gaadhay xilliga duhurka oo qorraxdii kululaatay ayaa Abubakar Nabiga saaray maro si uu ugu hadhsado markaasbay gartaan inuu yahay Nabiga.

Cali ibnu Abudaalibna waa ka daba yimid waxa uu kusoo gaadhay Quba’ kadib markii uu alaabadii u celiyey dadkii lahaa.

Nabigu (N.N.K.H) waxa uu halkaa ka dhisay masjidka Quba’ waana masaajidka Eebe ku tilmaamay Quran. Tawba, Ayaada 108.

لَا تَقُمۡ فِيهِ أَبَدً۬ا‌ۚ لَّمَسۡجِدٌ أُسِّسَ عَلَى ٱلتَّقۡوَىٰ مِنۡ أَوَّلِ يَوۡمٍ أَحَقُّ أَن تَقُومَ فِيهِ‌ۚ فِيهِ رِجَالٌ۬ يُحِبُّونَ أَن يَتَطَهَّرُواْ‌ۚ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلۡمُطَّهِّرِينَ

Nabigu waa ku tukaday masjidka kadibna magaalada ayuu usii gudabay, hashii uu watay rasuulku waxay fadhiisatay Masjidka Rasuulka (N.N.K.H).

Isla markiiba Nabigu kitaab ayuu u qaray Yahuuda, waxana islaamay caalimoodii Cabdilaahi ibnu Salaam, laakiin badankoodu way gaaloobeen. Yahuudu waxay ka koobnaayeen sadex qabiilo waa Bani Qaynuqaac, Bani Qurayda iyo Banu Nadiir.

Rasuulku (N.N.K.H) waxa uu walaaleeyey muslimiintii soo haajirtay iyo muslimiinta Ansaarta.

Faristii Jihaadka:-

Markuu Rasuulku (N.N.K.H) dagay Madiina ee Ansaartii iyo Muhaajiriintii walaaloobeen ayaa carabtii isku kaashadeen si looga takhaluso kooxdan yar. Hase ahaatee Eebe ayaa u fasaxay inay jahaadaan:-

كُتِبَ عَلَيۡڪُمُ ٱلۡقِتَالُ وَهُوَ كُرۡهٌ۬ لَّكُمۡ‌ۖ وَعَسَىٰٓ أَن تَكۡرَهُواْ شَيۡـًٔ۬ا وَهُوَ خَيۡرٌ۬ لَّڪُمۡ‌ۖ وَعَسَىٰٓ أَن تُحِبُّواْ شَيۡـًٔ۬ا وَهُوَ شَرٌّ۬ لَّكُمۡ‌ۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ وَأَنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ

” waxaa laydinku waajibiyey Dagaal idinkoo neceb, waxaa laga yaabaa inaad nacdaan wax, isgoo khayr idiin ah, waxaana laga yaabaa inaad jeelaataan wax isagoo shar idiin ah, Eeba wax og idinkuse ma ogdia”

Qaswadii Badar:-

Sanadkii labaad ee hijraga ayaa Rasuulka la wargaliyey in badeecadihii ay muslimiintu lahaayeen loo iib gaynayo dhulka Shaam. Badeecadahaa waxa hogaaminayey Abusufyaan balse kumaysan guulaysan inay qabtaan badeecadaas. Qureesh ayaa maqashay in badecadii halis gashay markaasay go’aansadeen inay la dagaalamaan muslimiinta.

Nabigu waxa uu lasoo baxay sadex boqol iyo dhawr iyo toban nin waxaanu magaalada Madiina kaga sii tagay (Ibnu umu Kalthuum). Dagaalkii badar waxa ku guulaysatay muslimiinta ayadoo gaalada laga dilay todobaatan madaxdii Qureesh ah, lagana qafaashay todobaatan kale. Sidoo kale waxa ku shahiiday afar iyo toban saxaabi.

Dabadeedna waxa uu rasuulku Madiina ka saaray Banu Qaniqaac kadib markay ballan buriyeen.

Qaswadii Uxud:-

Guul darradii Qureesh kasoo gaadhay Badar ayaa ku kalliftay in sanadkii xigay ay soo qaadaan dagaal kale, gaalada tiradoodu waxay gaadhay sadex kun oo nin iyo xulafadoodii. Nabiguna (N.N.K.H) waxa uu la soo baxay kun nin, waxa kale oo la yidhi waa todoba boqol oo nin balse munaafiqii waynaa ee Cabdilaahi ibnu salool ayaa dib ula noqday ciidankii sadex meelood.

Nabigu (N.N.K.H) waa habeeyey ciidankiisa, waxaanu faray saxaabadii saarnaa buurta Uxud oo shiishka ku fiicnaa inanay kasoo dhaqaaqin goobtaada xataa hadii laga guulaysto.

Markuu dagaalkii bilaabmay ayaa gaaladii la jabiyey, waanay yaaceen balse ciidankii saarnaa buurta ayaa ku orday Qaniimada kadibna nasiib xumo khaladkaa ay galeen ayaa lagu jabiyey muslimiintii, waxaana ku shahaado qaatay todobaatan saxaabi halka gaalada laga dilay labo iyo labaatan ama todoba iyo sodon nin. Allahu aclam.

Qaswadii Khandaq (sanadkii 5aad)

Qureesh iyo qabiilka Qadafaan ayaa go’doomiyey Madiina, sidoo kkale Yahuudii daganaa Madiina ayaa gacan siiyey gaalda, ilamaayo ay xaaldu ku adkaatay muslimiinta dabadeedna Eebe ayaa soo diray dabaylo kadibna way noqdeen ayagoo dullaysan. Waxaanu Nabiga iyo Asxaabtiisu qodeen god wayn oo ku hareereeyeen Magaalada.

Maruu dagaalkii dhamaaday ayuu Nabigu dagaal ku qaaday Banu qureyda oo khiyaano ku kacay, waana go’doomiyey.

Heshiiskii Xudeybiya:-

Sanadkii lixaad ee Hijriga ayuu Nabigu u kacay dhanakaas iyo magaalada Makkah si uu usoo cimraysto balse gaaldii Qureesh ayaa ka hor istaagtay oo u diiday inay galaan Makkah, kadibna waxa lagalay heshiis ah in toban sano oo deganaansho ah iyo inay sanadkan noqdaan oo aanay galin Makkah.

Furashadii Khaybar:-

Nabigu waa furtay khaybar, markaasna saxaabadii u qaxday dhulka Xabashiduna way soo noqdeen waxaana hogaaminayayey Jacfar ibnu Abudaalib.

Furashadii Makkah:-

Marka Eebe doono arrin waxa uu diyaariyaa sababihii ay u suurta galayso arrintaasi. Qureesh oo Nabiga kula jiray ballan ayaa buriyey ballantii iyo heshiiskii Xudaybiya kadib markii ay gacan saar siiyeen qabiilka bakar oo la dagaalmay qabiilka Khusaaca oo nabiga xilfi wadaad la ahaa.

Kadibna Camru ibnu Saalim waa odaygii Khusaaca ayaa u yimid Nabiga isagoo ka cabanaya sida Qureesh u jabisay heshiiskii. Nabigu waa soo baxay isagoo wata toban kun oo nin, waxana kala hogaaminayey Khaalid ibnu waliid oo ahaa hogaamiyaha dhanka midig, Abu Cubayda ibnu Jarrax oo hogaaminayey faranta hore iyo Subeer ibnu Cawaam oo hogaaminayey dhanka bidix. Halak Nabiguna (N.N.K.H) uu dhexda ka hogaaminayey ciidanka oo dhan.

Ciidankii waxay usoo ruqaansadeen Makkah, cidna kamaysan hor iman marka laga reebo Khaalid ibnu waliid dhaniisa oo dagaal ka dhacay.

Nabigu waxa uu galay Makkah isagoo saaran hal, kadibna dadkii deganaa Makkah ayuu u iclaamiyey ” Ruuxii gala daarta Abusufyaan waa aamin, cidii gurayahooda galaa waa aamin, cidii masjidka xaramka gala waa aamin”

Nabigu (N.N.K.H) markuu galay Makkah ayuu tukaday sideed rakcadood, kadibna kacbada ayuu galay waxaanu burburiyey sanamyadii yaalay kacbada. Bilaalna waxa uu ka aadaamay kacbada dusheeda. Furhii kacbadana waxa lagu celiyey Cismaan binu Dalxa.

Qaswadii Xuneen (sanadkii sideedaad)

Nabiga (N.N.K.H) waxa uu ubaxay Daa’if sababtoo qabiilka hawazaan ayaa isku uruursaday waxaana dhacday qaswadii Xuneyn. Mudo labaatan casho aha ayaa la go’doomiyey kadibna waa kasoo noqday.

Qaswadii Tabuuk (sanadkii Sagaalaad)

Nabigu waxa uu qaaday qaswadii Daa’if, markaasna waxa soo islaamay reer Daa’if , sidoo kale waxa yimid carab badan oo soo galay diinta islaamka.

Xanuunkii Nabiga (N.N.K.H)

Markuu Nabigu dhamaystiray diinta ayaa isagoo maalin minbarka fadhiya uu yidhi ” Adoonbaa Eebe kala dooransiiyey dhaldhalaalka aduunyada iyo wixii Eebe agiisa ah, waxaanu doortay wixii Eebe agiisa ahaaday”. Nabigu waa xanuusaty waxaana ku siyaaday xanuunkii kadibna xaasaskiisa ayaa isku waafqay inuu jooga guriga Caasha. Nabigu waxa uu diray ciidankii Usaama ibnu Sayid, khayrna waxa uu udardaarmay saxaabadii iyo Ansaartii.

Mudo sadex iyo toban casho ah ayuu xanuusanaya Rasuulku (N.N.K.H), daradaarankiisii ugu danbeeyeyna waxa uu ahaa ”Salaada salaada” waxayna Naftiisu u kacda dhanaka Eebe maalin isniina, da’diisuna waxay ahayd 63 sano jir.

Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here