Home Afsomali Sixiroolayaal haween ay rag furteen boosaaso ku guursaday oo maxkamad la soo...

Sixiroolayaal haween ay rag furteen boosaaso ku guursaday oo maxkamad la soo taagay

Lix nin oo lagu eedeeyey inay dad sixreen ayaa maanta lasoo taagay maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ee magaalada Boosaaso.

Waxyaabaha raggan lagu eedeeyey inay sixirka u adeegsadeen, ayaa waxaa ka mid ahaa inay xaasas ay rag kale qabeen uga soo furteen kadibna ayaga guursadeen.

Xarunta maxkamadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay qoraalo, kitaabo, lafo xoolo, kalluun, madax dooro iyo waxyaabo kale oo la sheegay in loo adeegsaday in dadka lagu sixro.

Eedeymaha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah in sixirka ay u sameeyeen rag xaasas qaba, ayaga oo u ballan-qaaday inaysan xaaska ka tagi doonin haddii sixirka loo dhiibay ay u adeegsadaan.

Raggan ayaa la sheegay in xogtooda lasoo ogaaday kadib markii mid ka mid ah ragga xaasaska laga furtay uu iska soo dhigay qof kale, kana codsaday inay nin kale xaas uga furan, isaga oo u ballan-qaadaya lacag.

Mid ka mid ah ragga maxkamadda lasoo taagay ayaa waxaa lagu xukumay 7 sano oo xarig ah iyo ganaax $2000 ah, halka laba kale lagu xukumay xarig bilooyin ah iyo ganaax lacageed. Saddex ayaa lasii daayey markii dambi lagu waayey.

Qareenada difaacayey raggan ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka maxkamadda.

Ragga la maxkamadeeyey ayaa dhammaantood ka tirsan bulshada barakacayaasha ah ee magaalada Boosaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.