Home Afsomali Siyaasi Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, Sanaacigii  Magaciisa ku xardhay  Gobolka Sanaag.

Siyaasi Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, Sanaacigii  Magaciisa ku xardhay  Gobolka Sanaag.

Siyaasi Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, Sanaacigii  Magaciisa ku xardhay  Gobolka Sanaag.

Siyaasadu waa shayga keliya ee aan labada walaalaha ahi is amaahin, sidaa si lamida ayaan guusha qof leeyahay cid kale oo saldhigeeda lahayni ugu faani karin, waxaan maanta maqaalkaygan kooban, qalinka ugu qaatey inaan qalinkeyga ku xardho, maragna uga dhigo  jowharada ka dhex ifeysa  guushii doorashada ee  Gobolka Sanaag.

Siyaasiga aan rabo inaan ku baraa maaha mid ku cusub  masraxa siyaasada somaliland. Garo oo waa da’yarta hantida u ah qarankan isla markaana ka soo jeeda qoys hibo rabaani ah u leh aqoonta maadiga iyo diinigaba, waa astaan hido raaceysa asalkii yagleelka nabada iyo qaabeynta  wadada ay hada hayso jamhuuriyada somaliland.

Waxaan baraha bulshada ku arkayey maalmahan  in  guulaha  gobolada bari uu farsamadeeda lahaa Mohamud Hashi,

Xaasha ee libinta iyo guusha cida leh lagama qaado, lamana amaahiyo cid aan laheyn. Aan kubaro jawharada iftiinkeedu shiiqiyey libaax kasta oo wax ismoodey. Baro, calaamadso, ishana ku hay Cabdirisaaq Siciid Ayaanle  siyaasiga magaciisa Ku-xardhay guushii  Gobolka Sanaag ee xildhibaanada 7 da ah.

Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada JSL oo mudo dheer ahaa, ayaa intii uu joogay xilkan Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada JSL, ayaa waxa uu ka hirgaliyey waxqabad muuqda oo mugle, isagoo isla markaasina muujiyey nidaam hufan iyo hab-maamul togan oo taabagalay.

Xoghaye Cabdirisaaq Siciid Ayaanle waxa uu ku suntan yahay hogaamin Tusmaysan oo tisqaad ah, taasi oo aad ka dheehan kartid nidaamka shaqo iyo hanaankiisa hogaamineed ee uu kusoo hagaayey guud ahaan waajibaadkiisa shaqo iyo shaqaalr ee Golaha Wakiilada JSL, mudadii uu xilka Xoghayaha guud ka hayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.