Home Afsomali Somalia oo mar kale loo oggolaaday Xuquuqda Cod-bixinta Golaha Guud ee QM

Somalia oo mar kale loo oggolaaday Xuquuqda Cod-bixinta Golaha Guud ee QM

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay mar kale go’aamiyeen in Somalia ay weli leedahay Xuquuqda Cod-bixintooda, inkastoo aysan weli bixinin Qaaraankii QM ee lagu lahaa labadii sano ee la soo dhaafay.

Waana sanadkii Labaad ee Somalia iyo dalalka Comoros, Sao Tome and Principle laga caafiyo Kharajka Miisaaniyada Sanadlaha ee QM.

Dhinaca kale, 6 Waddan ayaa lumiyey Xuquuqdooda Cod-bixinta QM,  kadib, markii ay bixin waayeen Qaaraankii laga rabay.

Dalalka Lubnaan, South Sudan,  Gabon, Venezuela,  Dominican Republic  iyo Equatorial Guinea ayaa wada lumiyey Xuquuqda Cod-bixinta ee 193-ka Waddan ee xubnaha ka ah Golaha Guud ee QM.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Lubnaan waxay sheegtay inay bixin doonaan 1.8 million oo Dollar oo ah Qaaraanka kaga soo aaday Miisaaniyada hawl-gelinta QM.

Golaha Guud ee QM oo ay xubno ka yihiin 193 dal ayaa go’aamiya Go’aanka dalalka aan bixinin Kharajka Miisaaniyada lagu socodsiiyo hawlaha QM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.