Dowladda Soomaaliya ayaa dalalka xubnaha ka ah QM u gudbisay warbixin ku saabsan xiisadda Soomaaliya iyo Kenya ee badda, islamarkaana jawaab u ah beenta ay Kenya faafineyso.
Qoraalka Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya ee QM, oo ay heshay Somalisan.org, ayaa dalalka caalamka loogu sheegay in Kenya ay dalalka caalamka u gubineyso been ku saabsan hab-dhaqanka Soomaaliya ee dhul-badeedka lagu muransan yahay.
Qoraalka Soomaaliya ayaa jawaab u ah wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, ” ee kala dhaxeeysa Soomaaliya, kuna xoojineyso dooddeeda u gudbisay qaar ka mid ah dalalka xubnaha QM iyo Golaha Ammaanka Midowga Afrika.
“Kenya waxa ay si aan sax ahayn u sheegtay in Soomaaliya ay iibineyso xirmooyin shidaal oo ku yaalla dhul-badeedka lagu muransan yahay. Kenya waxa ay sheegashadan aan saxda ahayn dalalka iyo ururada caalamiga ah u gudbisay 22-kii febraayo” ayaa lagu yiiri qoraalka.
“Soomaaliya waxay Kenya u gudbisay 25-kii febraayo waraaq ay ugu xaqiijineyso inaysan iibin islamarkaana iibin doonin wax xirmooyin shidaal ah oo ku yaalla dhul-badeedka lagu muransan yahay” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Kiiska Soomaaliya iyo Kenya ee muranka badda wuxuu hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, waxaana mar kale la dhageysan doonaa September 2019, ayada oo go’aankana la filayo sanadda 2020 gudaheed. Soomaaliya waxay Kenya u xaqiijisay inay u hoggaansami doonto go’aanka maxkamadda”
Warqadii horey u fudbisay Kenya ayaa sidaan u qoreyd
Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, ayaa warbixin ku saabsan “muranka badda” ee kala dhaxeeysa Soomaaliya, kuna xoojineyso dooddeeda u gudbisay qaar ka mid ah dalalka xubnaha QM iyo Golaha Ammaanka Midowga Afrika.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Monica Juma ayaa maanta sheegtay in dowladdeeda ay safiirada dalalka xubnaha ka ah QM iyo Golaha Ammaanka Ururka Midowga Afrika ee Nairobi ay siisay warbixin ku saabsan arrintan si ay uga caddeyso waxyaabaha la isku hayo.
“Waxaan u gudbinay xaqiiqda arrimaha la isku hayo” ayey tiri Monica Juma.
Safiirada ay Monica sheegtay inay warbixin u gudbisay waxaa ka mid ah safiirka UK ee Nairobi Nic Hailey iyo kan Faransiiska Aline Kuster-Menager, kadib kulan ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ee Nairobi.
Ababu Namwamba, oo ah xoghayaha maamulka ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegay in sharafta dhuleed ee Kenya ay tahay mid lama taabtaan ah, islamarkaana Kenya ay u xaqiijisay dalalkii ay la hadashay inay tahay dersi wanaagsan.
Monica ayaa dhinaca kale maanta sheegtay in Kenya ay diyaar u tahay inay wada-xaajood la gasho dowladda Soomaaliya, si arrintan xal looga gaaro