Shaqsiyaad danbiyo ka soo galay isla markaana laga doondoonayo deegaanada Somaliland ayaa si ay xilal uga helaan Xamar waxey abaabul banaanbax iyo hagardaamooyin ka wadaan Magaalada Muqdisho.
Xili aanay bulsho weynta reer Somaliland cidna ugu soo wakiilan gudi qabanqaabo oo ka qeyb naaanaya banaanbaxayaasha ujeedooyinkoodu iska soo horjeedaan
Shaqsiyaadkaan ayaa dhalinyarada iyo haweenka ku boorinaya in ay qeybka noqdaan banaanbaxyada dhinacyada dowlada iyo mucaaradku isku hayaan ee dhinacna diidan yahay dhinacne leeyahay waa dhacayaan .
Shaqsiyaadka hor boodaya ayaa Muqdisho cidu u daganeyn marka laga reebo in ay hotelo ka dagan yihiin magaalada waxayna shacabka ugu baaqayaan in isu soo baxa ay qeyb ka noqdaan.
Waxaana baraha bulshada lagu arkayey gudi qabanqaabo oo uu magacaabay gudoomiye is magacaabay kaasi oo magaalada ku cusub welina aan la qabsan xaaladaha xira
Kuwaas oo sheegay in ay canbaareynayaan Madaxweynaha weli aan la helin cid kursiga ka badeshay .
Hadaba waxaa wax laga xumaado ah in shaqsiyaad qol yar isku xirey ay yiraanhdaan waxaan nahay gudiga qaban qaabada mudaaharaadka iyaga oo sheeganaya in ay matalaan gobolada waqooyi ee Somaaliland kuwaas oo ku farxaya hadii Muqdisho qarax ka dhaco ciidamo isku dhacaan
Qaar ka mid ah shacabka muqdisho ayaa ugu baaqay in qolooyinkaan ay candhuuftooda dib u laqaan isla markaana ay joojiyaan isku dirka dowlada iyo shacabka aan waxba galabsan.
Ugu danbeytiina waxay ugu baaqeen in si kale ay ku raadsadaan danahooda ku eg xil iyo in ay kursi la helaan koofurta Somalia