Home Afsomali Ciidanka beelaha garxajis oo afduub u gaystay saraakiil ciidan iyo xubno...

Ciidanka beelaha garxajis oo afduub u gaystay saraakiil ciidan iyo xubno kale

Beelaha garxajis oo dhawaan jabhad kaga dhawaaqay buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa afduub u gaystay 8 qof oo laba kamid ahi saraakiil ciidan yihiin.

Xildhibaan Xasan Ogaal oo isaga iyo xildhibaan kale ay ku sugnaayeen degmada Godawayn oo ka agdhow buurta, ayaa sheegay in saraakiisha iyo xubnaha kale la afduubay xili ay doonayeen in ay u kuurgalaan dablayda buurta fadhiisinka ka dhigatay, sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay MMTV.

“Anaga oo magaaladii joogna, ayaa waxa magaalada soogalay ciidamo dhallinyaro ah, waxay qafaasheen 8-dii xubnood, goobihii buurta Gacan-libaax ay ku lahaayeen ayay geyeen” ayuu yidhi Xildhibaan Ogaal.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in isaga iyo xildhibaan kii kale ay ka daba tageen kooxda afduubka gaysatay kadibna xili danbe oo Arbacadii ah ay ku guulaysteen in ay dablayda ku qanciyaa in ay siidaayaan “5:00 galabnimo ayay afduubteen, imika oo 11:00 habeenimo ah ayaanu soo daynay” ayuu yidhi Xildhibaan Ogaal.

Waxa uu sheegay in ilaa iyo hada aanu garanayn sababta rasmiga ah ee keentay afduubka, lakiin uu u malaynayo uun in kooxda hubaysani ay ka shakiyeen dhaqdhaqaaqa saraakiisha ciidanka.

Dhalinyarada beelaha garxajis  ayaa dhawaan iska soo duubay muuqaal iyaga oo hubaysan, isla markaana waxay sheegeen in ay kasoo horjeedaa hab maamulka madaxweynaha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.