Home Afsomali Somaliland heshiiskii saamiga Dakada Barbara Ethiopia kama bixin

Somaliland heshiiskii saamiga Dakada Barbara Ethiopia kama bixin

DP WORLD, Dubai, United Arab Emirates, May 10, 2007 (Photo by Nemanja Seslija/ITP Images)

Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland,Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo warbaahinta ugu warramayey magaaladaHargeysa ayaa ka hadlay warbixin uu daabacay wargeyska Capitaal ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, kaas oo shaaciyey in Itoobiya ay hakisay qeybta maalgashi ee ay ku laheyd horumarinta ballaarinta dekedda Berbera.

Ugu horreyn wasiirka ayaa beeniyey warbixinta ka soo baxday wargeyskaasi, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Faratoon ayaa sidoo kale sheegay in weli sidiisii uu yahay heshiiska dekedda Bebera oo u dhexeeya Somaliland, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.

Saamiga ugu badan ayaa waxaa leh wadanka Imaaraadka, waana 51%, sidoo kale Itoobiya ayaa leh 19%, halka Somaliland ay ku leedahay 31%.

Shalay ayey aheyd markii Capital uu qoray inay Itoobiya hakisay mashruucaasi, islamarkaana ay qorsheyneyso in deked kale ay ka sameysato dalka Sudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.