Home Afsomali SOMALILAND iyo halka ay ka taagan tahay Geeska Afrika

SOMALILAND iyo halka ay ka taagan tahay Geeska Afrika

Loollanka dublamaasiyadeed ee Geeska Africa ka dhex socda oo soo Istaadhmay bilowgii hoggaaminta Dr Abiy Ahmed, Raysal Wasaaraha Ethiopia wixii intaasi ka danbeeyay waxay isku soo dhawaaday dawlado kala quustay iyadoo heshiisyo midho dhal ahna qaar ay kala saxeexdeen. Haddana iyadoo taasi jirto waxa kasoo dhex baxay Dhaqaaqa Dublamaasiyadeed ee Geeska Africa fursado dahabi ah oo la odhan karo Jamhuuriyada Somaliland dan weyn baa ugu jirta; Hadaba Sidey Somaliland Amuurtaasi u Wajahday ? Waa Suaal Macquul ah oo ay iswaydiiyaan dadka xiiseeya ama odorosa Siyaasada Geeska.
SOMALILAND oo Taladeeda ay hayaan Xisbiga Kulmiye oo khibrad hogaamineed leh waxa aqlabiyadu ku fasireen in duufaanada siyaasadeed ee muddo ka taagnaa Geeska Africa u wajaheen isla markaana u qaabileen si ay ka muuqato deganaanshiyo ama xasillooni. Rayigayga Muuse Biixi, Madaxweynaha Somaliland oo ka Fiirsanaya mawjadaha Geeska Africa ka Socda ayaa dib ugu noqday Shaxda golihiisa wasiirada isagoo Arrimaha Dibada u Magacaabay Wasiir Faratoon isagoo maanka ku haya Siyaasada Arrimaha Gudaha iyo Dibada, wixii intaasi ka danbeeyay xukuumadda iyo Wasiirkuba waxay liishaanka saareen Siyaasada Khaarajiga iyagoo dhaqdhaqaajiyay arrimo badan oo ay ka mid tahay cilaaqaadka kala dhaxeeya Imaraadka, Ethiopia, Jabuuti iyo Reer Galbeedka waxaana taasi ay dhashay in bilowgii Sanadkan 2019 dalka ay kusoo qulqulaan wufuud ku raad jooga fursada Geeska Africa ka heli Karto Somaliland .
Hadaba qaabilaadda wufuuddaasi iyo waxyaalaha ay kala noqdeen Somaliland waxaa laga dhex arkay miisaska caalamka ee lagu gorfeeyo siyaasadaha caalamka dhinaca kale warbaahinta caalamku ka madhnayn hadal haynta Dumuqraadiyada ka taabo gashay Somaliland iyo siyaasada degan ee ay Geeska ka wado kuwaas oo majeertay sida xukuumada somaliland uga fikirayso mashaariicaheeda horumarineed iyo sidii ay dhamaan dalalka geeska uga faa’idaysan lahayeen,talabadaasi oo ka dhigaysa Somaliland mid dunida la wadaagaysa fursadaheeda gaar ahaaneed .
Akhriste waxa ii baxay In xukuumada Somaliland ee uu horkacayo Madaxweyne Muuse Biixi in ay ku guulaysatay Siyaasadeeda khaarajiga ah isla markaana saamayn taban ku yeelatay geeska africa, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda ka saaran arrimaha gudaha isla markaana dhowraysa go’aanka qarranimadeeda.
Ugu dambeyn Talada usoo jeedin lahaa Xukuumada Somaliland waxay tahay in ay hadda ka shaqayso inay diyaariso Machadka Dublamaasiyada Protocol-ka Luuqadaha dunida, dhallinyarada Machadkaasi soo saaro ayaa meel sare gaadhsiin kara Jamhuuriyada Somaliland mustaqbalka fog.
Maqaalkaygan waxaan kusoo xidhayaa hal -ku dhigga xukuumada ee “Horaa loo Soconayaa”
WQ Waliid Abdirahman Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.