Home Afsomali Somaliland iyo ictiraaf la.aan Maxaa kala heysta

Somaliland iyo ictiraaf la.aan Maxaa kala heysta

Wasiirku Waxa Uu Sheegay In Kaalmadii Masaajidda Iyo Agoomaha Ee Carabtu Siin Jirtay Somaliland Adkaatay Meel Loo Soo Mariyo

Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay waydiiyay wasiirka Diinta iyo Awqaafta waxa xukuumad ahaan uga meel yaalla xujayda Somaliland oo dhib ku qabta gudashada waajibkaadka Xajka iyo sidii loogu heli lahaa hab u gaar ah oo Somaliland ku tagto waxaanu sheegay in dadaallo badan oo ay sameeyaan aanay suuro gelin in Sucuudigu aqbalo warqado ay dadka reer Somaliland ku tagaan Xajka.

Xildhibaannada ayaa sheegay in bulshada Somaliland Xajka ku tagto lacag qaali ah, haddana ay yihiin kuwo xilliyada u dambeeya la qaado, islamarkaana aanay daryeel ku helin xajka.

Wasiirka oo arrimaha ka jawaabaya ayaa yidhi “Caqabadaha siyaasiga ah ee inaga haysta citiraaf raadinta iyo aqoonsiga dawladnimo iyo jiritaanka, sida aad ka war qabtaan weli basaboorkeena lama citiraafin in aynu nahay gobol jira oo Islaam ah oo dawlad leh oo degaan ah waa la og yahay laakiin, duruufahaas ayay salka ku haysa. Imbadan baanu ka dadaalnay sidii Basaboorkeena ama waraaqo gaar ah ay inoo citiraafan welina hawsha waanu ku dhex jirna, sanad aan laga hadalna way yar tahay,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Khaliil.

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland wuxuu sheegay in ay bilahan ku hawlanaan doonan sii wadida dadaalkooda “Imikana qorshaha waxa noogu jirta 120-ka maalmood ee soo socda in xilka wasaaraddu ka shaqaynaysa yahay sidii loo heli lahaa duruuf gaar ah oo aynu ku xajno inagu, madaxweynaha cusub Md Muuse Biixi Cabdi waanu ka wada hadalnay, qorshe ayaa nooga yaalla haddii ay noo hirgashana way noo hirgashay haddii ay hirgeli waydana qorsheyaal kale oo aanu idiinla nimaadno oo aad nala qaadataan ayaanu idiinla iman,” Sidaas ayuu xildhibaannada u sheegay wasiirku.

Wasiir Khaliil waxa kale oo la waydiiyay xidhiidhka Somaliland ee Carabta iyo sida ay fursad ugu helaan wasaarad ahaan in ay Somaliland u soo jiidaan dhaqaalaha badan ee Carabtu ku bixiso dalalka Islaamka sida Sekooyin iyo samafallada kale “Dawladaha Carbeed waa run wax way bixiyaan dhaqaalena way leeyihiin waana niman naxariis badan markaad dhinac ka eegto laakiin, siyaasadaha caalamiga ah ayaa hadheeyay. Waxaad moodda in baryahan dhammaan wixii la odhan jiray samafalka la soo koobay oo cidhiidhi badan lagu hayo oo iyaga laftoodii isu adeegsadeen, hadda dagaalka siyaasiga ah ee dawladaha Carbeed ka dhexeeya ayay qolaba qolo ku eedaysa in ay argagixisada caawiso dabeedna iyagii baa isku buuqay marka wax alla wixii, masaajido imika dalkeena ka socda iyo agoomo ay taageeri jireen dariiqii loo soo marin lahaa lacagta ayaaba adkaaday laakiin, waa niman jecel in ay wax galiyaan walaalahooda muslimiinta ah laakiin, dariiqii ay soo marin lahaayeen ayay iyagiina iska xannibeen,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Khaliil.

Waxa kale oo uu sheegay in dagaallada ka socda dalka Yemen yihiin dagaallo u dhexeeya dalal Carbeed, islamarkaana ay dad Carbeed dhibaataynayaan taas oo qayb ka ah waxyaabaha adkeeyay samafalkii laga heli jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.