Home Afsomali Somaliland oo dhalinyaro farabadan ku xir xirtay Magalada laas-caanood

Somaliland oo dhalinyaro farabadan ku xir xirtay Magalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaliland ee ku sugan Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa bilaabay inay xir xiraan dadka ay u arkaan inay kasoo horjeedaan Maamulida Somaliland ee Magaaladaas.

Saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Somaliland ayaa xir xiray ilaa Saddex Dhalinyaro ah oo Magacyadooda lagu kala sheegay Sadaam Xuseen Ismaaciil, Cali Abshir Caayeeye iyo Maxamed Xariir Ahmed Xiid, kuwaas oo siweyn looga yaqaano Magaaladaaas-caanood.

Qaar kamid ah Ehellada dhalinyarada la xiray ayaa sheegay inay ahaayeen kuwo Magaalada ka Shaqeysta, iyaga oo ugu baaqay Saraakiisha Ciidamada Booliska Somaliland inay joojiyaan dadka ay xir xirayaan, isla markaana ay siidaayaan dhalinyarada ay xirteen.

Horay Ciidamada Somaliland waxaa ugu xirnaa laba dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inay Maamulka kasoo horjeedaan, waxaana Maanta aad looga hadal hayaa Magaalada laas-caanood xariga dhalinayarada.

Magaaalada laas-caanood oo ah Magaalada kaliya ee Somaliland gacanta ku heyso balse ay dilalka ka dhacaan ayaa waxaa Somaliland ay horay uga musaafurisay dadka kasoo jeeda degaannada Maamulka Koonfur Galbeed, hayeeshee weli dilalka ay ka dhacayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.