Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa goordhow lagu xiray garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.
Maxamed Cumar Carte ayaa bishii October ee sanadkii 2020 cafis u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaddib markii uu iska casilay xubinnimadii Baarlamaanka, si uu u booqdo aabihii oo xilligaas ku xannuunsanaa Hargeysa oo uu markii dambe geeriyooday.