Home Afsomali Somaliland oo wafdi u dirtay Emaaraadka iyo puntland oo

Somaliland oo wafdi u dirtay Emaaraadka iyo puntland oo

Wafti Uu Hogaaminayo Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Oo Safar Shaqo Ugu Baxay Dalka Imaaraadka
Hargaysa  somalisan Wafti uu hogaaminaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaacil (Saylici) ayaa safar shaqo ugu baxay Dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai, safarkiisan ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne Kuxigeenka, Wasiirada, Arimaha Dibada, Duulista, Qorshaynta, Hawlaha Guud, Gaashaandhiga, Xidhiidhka Golayaasha, iyo Wasiir Ku xigeenada, Madaxtooyada, Maaliyada.
Madaxweyne Ku Xigeenka Jamuuriyada Somaliland oo ka hadlay ujeedka safarkaasi, ayaa ku sheegay mid Shaqo oo ay dhawar casho ku joogi doonaan Dubai, isaga oo arrintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi:- “ maanta oo ay bishu tahay 15/03/2017 maalin Arbaca ah, Ilaahay ayaa mahad leh waxaanu u baxaynaa aniga iyo waftigan aad arkaysaan, oo wafti aad u balaadhan ah, waxaanu u baxaynaa shaqo qaran, oo aan u socono Dalka isu taga Imaaraadka Carabta, oo aanu Insha Allah ku maqnaan doono mudo kooban, oo ku soo fulindoono hawal qaran.
Waftigan oo ah mid miisan weyn ayaa la filayaa in ay dardargalin doonaan Mashaariicda ay dhawaan ugu balan qaaday Dawlada Isu-taga Imaaraadka Carabtu Somaliland, iyo sidoo kale sii xoojinta xidhiidhka saaxibtinimo ee ka dhexeeya labada Dal iyo adkaynta Nabad Galyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.