Home Afsomali Somaliland Warsaxaafadeed-Hawo Ay Soomaaliya La Wareegaysaa Ma Jirto Heshiis Wali Laga Gaadhayna...

Somaliland Warsaxaafadeed-Hawo Ay Soomaaliya La Wareegaysaa Ma Jirto Heshiis Wali Laga Gaadhayna Ma Jiro

Hargaysa (Somalilandaviation) Sida aynu la wada soconay waxa jiray wada hadalo u dhaxeeyay Soomaalilaan iyo Soomaaliya oo ku saabsanaa heshiis laga gaadho wixii la isku odhan jiray Hawada Soomaaliya oo maata ay wada leeyihiin labadan Dal ee kala go’ay ee Soomaalilaan iyo Soomaaliya, heshiiskaas oo hore la isugu afgartay in la dhiso gudi madax banana oo ka kala socota labada Wadan oo wada maamula Hawada xafiiska laga maamulayaana ahaado Caasimada Soomaalilaan ee Hargaysa, arintaas dhinaca Dawladihii kala danbeeyay ee Soomaaliya ayey ka fuli waayeen, sidaas ayuuna wada hadalkaasi ku hakaday.

 Iminka waxaa la filayaa in uu dib u bilaabmo bisha 9 ee fooda inagu soo haysa wada hadalkaa hawada, go’aamadii hore loogu heshiiyey in Soomaaliya fuliso ayey wali Soomaalilaan sugaysaa ee beesha Caalamka iyo Hay’ada Qaramada Midoobay U Qaabilsan Duulimaadka Hawada ee ICAO goob jooga ka ahaayeen.

 Hawada Soomaalilaan iyo Soomaaliya sida uu horeba u sheegay Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe waxa xukunta ICAO Muqdisho iyo Hargaysa toona lagama xukumo hayadaa ICAO ee qaramada midoobay ayaa maamusha nidaam bay leedahay Wasaarada Duulista ee Soomalilaan aanu ku kormeerno, wakhtigii Soomaali loo qabtay in ay Hawada ku heshiiyaana waa gabagabo oo hadii lagu heshiin waayo waxaa siimaamuli doonta Hay’ada ICAO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.