Home Afsomali Somaliya oo maxkamada ICJ u xukuntay baddeeda lagana doonayo in ay xajisato

Somaliya oo maxkamada ICJ u xukuntay baddeeda lagana doonayo in ay xajisato

Maxkamaddu waxeey diiday dalabkii Kenya ee ahaa in aanay Maxkamaddu hadda qaadikarin Dacwada, sidoo kale Maxkamaddu waxeey ogolaatay in si toos ah ay u gasho Dacwada labada Dal, sidaas waxaa somalisan.com  u xaqiijiyay Ambassador Cawaale Cali Kulane oo ka mid ah Wakiilada Soomaaliya ee Jooga Maxkamadda.

Maxkamada Cadaalada Caalamiga ah ee ICJ, ayaa go’aamisay inay qaado dacwada badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, waana go’aanka Maxkamadu uu u dhacay sida ay doonayeen Qareenada u Doodayay Soomaaliya.

Kenya waxay doonaysay innaysan Maxkamadu furin Kiiskan oo ay labada dal ka wada hadlaan, hasa yeeshe way ku fashilantay rabitaankeedii.

Go’aanka ayaa ka dhigan in dacwadu ay sii socon doonto oo Maxkamadu ay qaadayso, waxaana arrintan ay qaadan kartaa go’aan rasmi ah oo kaso baxa sanado badan.

Waxaa meesha ka baxay Shirkadihii doonayay inay baartaan Shidaalka bada ku jira, waxaa haddii la go’aamin lahaa inuu sii socdo wada hadalka labada dal iman kari lahayd inay Kenya dhinac wada hadal ka wado, dhinacna Shidaal ka baarato, balse arrintaa ayaa hadda meesha ka baxday sida ay qabaan Khuburada u dhuundaloola Kiiska.

Soomaaliya waxay gaartay guul balaaran, waxaana Kenya ay arrintan ku tahay dhabar jab wayn, waxaana meesha ka baxay boobkii ay ku doonaysay Badda Soomaaliya.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.