Home Afsomali Soomaali dhimaso iyo dhaawac ku noqotay Shil ka dhacay dalka Koonfur Afrika

Soomaali dhimaso iyo dhaawac ku noqotay Shil ka dhacay dalka Koonfur Afrika

Inta la xaqiijiyay lix Ruux ayaa ku geeriyootay halka 32 kale ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay wadada N2 gaar ahaan inta u dhexeeysa deegaanka Danabay iyo Degmada Mosselbaai ee Garden Route.gobolka western Cape ee dalka Koonfr Afrika, waxaana dadka ku dhintay kamid ah Hooyo Soomaaliyeed.

Shilka ayaa waxa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo ahaa kuwo siday rakaab aad u farabadan, waxaana Hooyada Soomaaliyeed oo Shilka ku geeriyootay oo lagu Magacaabi jiray Raxmo Cismaan Dhicisow ay ifka kaga tagtay gabar yar oo ay dhashay.

Qaar kamid ah Soomaalida kunool Goobta uu shilka ka dhacay ayaa dadka u gurmaday, iyada oo dadka Shilkaasi ku dhaawacmay ay Soomaali kamid yihiin, waxaana ay u socdeen magaaloyin kale oo katirsan dalka Koonfur Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.