Home Afsomali Soomaali dil iyo dhaawac loogu geestay magaalo kutaalla dalka Koonfur Afrika

Soomaali dil iyo dhaawac loogu geestay magaalo kutaalla dalka Koonfur Afrika

Waxaa sii kordhaya dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee loo geesanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika , xilli qeybo kamid ah dalkaasi si joogto ah loogu beegsado Soomaalida.

Kooxo hubeesan ayaa xalay weerar ku qaaday goob ganacsi ay lahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac loo geestay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Maxamuud Cilmi ayaana lagu toogtay dukaan uu ka shaqeenayay oo kuyaalla deegaanka Etwetwa ee hoostaga gobolka Gauteng, waxaana sidoo kale burcada dhaawac u geesteen Cabdi Barre Maxamed.

Ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta dilka iyo dhaawaca loogu geestay muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in ay wadaan baaris ay kusoo qabanayaan kooxdii dilka fulisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.