Home Afsomali Soomaali ku xayiran dalka Ukraine

Soomaali ku xayiran dalka Ukraine

Qaar ka mid ah Soomaalida waxbarashada u jooga dalka Ukraine ayay caqabad ka haysataa sidii ay uga bixi lahaayeen dalkaasi iyagoo ka cabsi qaba in colaaddu soo gaarto magaalooyinka ay ku nool yihiin.

Cabdiraxmaan Xasan oo ka mid ah ardayda Soomaalida ee wax ka baraneysay Ukraine ayaa sheegay in qaar ka mid ah saaxiibadii ay ka baxsadeen dalka oo ay u talaabeen dalka dariska ah ee Poland, hase ahaatee ay isaga wali taasi u suurtogali la’ dahay.

Waxaa uu sheegay Cabdiraxmaan in dhowr jeer uu isku dayay in uu dalkaasi Ukraine isaga baxsado balse ay u suurto geli weeysay sidaas daraadeedna uu dib ugu laabtay degaankii uu ka yimid.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in weli ay heysato caqabado dhowr ah oo suurto gelin waayay inay ka baxsadaan colaada dalka Ukrain, haatana uu wado dadaalo kale uu ku doonayo in uu ku gaaro dalka Polan oo ku dhow dalka Ukraine si uu colaada uga badbaado.

Dagaalka ka socda dalka Ukrain ayaa waxaa uu saameeyay qaxooti farabadan oo Ajaanib ah, kuwaas oo haatan wada sidii ay uga baxsan lahaayeen dalkaasi Ukrain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.