Home Afsomali Soomaaliya iyo Ethiopa oo ka wada hadlay dhammeystirka heshiiskii Ankara

Soomaaliya iyo Ethiopa oo ka wada hadlay dhammeystirka heshiiskii Ankara

Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay dhammeystirka heshiiskii Ankara

Wasiiru dowlaha arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ayaa kulan gaar ah magaalada Adis Ababa kula yeeshay dhigiisa dalka Itoobiya Mesganu Arga.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal uu muujiyay horumar kadib saxiixii baaqii Ankara.

“Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Danjire Mesganu Arga Moach, ayaa gelinkii dambe ee maanta wada-hadallo la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya xoojinta heshiiskii Ankara” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya.

Sidoo kale, waxaa ay ka wada hadleen ganacsiga iyo maalgashiga iyadoo loo marayo guddi heer wasiir ah oo isku dhaf ah.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa bishii Decembar ee sannadkii hore ku heshiiyay in la soo afjaro xiisadda ka dhalatay Isafgaradka ay la gaareen Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.