Home Afsomali Soomaaliya oo Ciidamadii ugu badnaa u dirtay Gobolka Galgaduud

Soomaaliya oo Ciidamadii ugu badnaa u dirtay Gobolka Galgaduud

A soldier of the Somali National Army (SNA) at Jazeera Training Camp in Mogadishu. He was part of a group of SNA soldiers who completed training in military intelligence and the Non-Commissioned Officers’ course on 25 March 2015. AMISOM Photo / Raymond Baguma

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kusoo bandhigay Ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka iyo kuwa degaanka, kuwaas oo loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Cidamadaan oo loo diray degaano katirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa degmada Cadalle ka soo sagootiyay Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Fareey, Sareeye Gaas Cali Caraaye Cosoble iyo Khaliif Cabdullaahi Macalin Nuur, waxaana loogu talo galay inay Al-Shabaab ka saaraan degaano kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud.

Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Fareey oo Ciidamada la hadlay ayaa kula dardaarmay Ciidamada ionay daradar geliyaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo Ciidamada u ballan qaaday hadii ay degaannada Bariga Gobolka Galgaduud ka saaraan Al-Shabaab uu ka farxin doono.

Sareeye Gaas Sareeye Gaas Cali Caraaye Cosoble ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay hadda u diyaarsan yihiin sidii Al-Shabaab guud ahaan dalka looga xoreyn lahaa, isla markaana dhankooda ay Ciidamada garab taagan yihiin.

Ciidamadaan laga sagootiyay Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa looghu talo galay inay xorreeyaan degmooyinka, Ceeldheer, Galcad, Masagawaay iyo degaannada kale ee kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.