Home Afsomali Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir looga hadlayay Amniga dalalka Carabta

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir looga hadlayay Amniga dalalka Carabta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Maxamad Nuur iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka Tunisia kaga qeyb-galay shirka 39aad ee Golaha Wasiirada arimaha gudaha iyo Amniga Carabta.

Wasiirka ayaa inta uu shirka socday kulamo la yeeshay Madaxweynaha Tunisia, Kais Saied, Wasiirka Arimaha gudaha Masar, Mahmoud tawfik , Wasiirka arimaha gudaha iraq Othman al-Ghanmi, Xoghayaha guud ee golaha wasiirada arimaha gudaha carabta, Dr. Mohammed Bin Ali Koman iyo Masuuliyiin kale.

Sidoo kale Wasiirka ayaa warbixino la xiriira xaaladda Amni ee Soomaaliya shirka ka siiyay Xubnaha Golaha Wasiirada Carbeed ee ku sugan, iyada oo sidoo kale uu sii wadi doono Wasiirka Kulamada..

Cabdullaahi Maxamed Nuur Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay dalka Tunusia in uu kulamo kala duwan la qaato Madaxda dalkaas, isaga oo kala hadli doona arei.o ku saasban Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.