Home Afsomali Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Caafimaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada -XFS H.E Dr Ali Haji Aden iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalay Madasha 76-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka (76th World Health Assembly) oo ka dhacaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada- XFS, E Dr Ali Haji Aden iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Soomaaliya ku matalaya shirka looga arinsanayo arrimaha caafimaadka aduunka.

Halku dhigga Sanadka ayaa ah “Badbaadinta Nolosha” iyo sii wadida horumarinta Caafimaadka dadka oo dhan,” Madaxda iyo wufuuddii kasoo iyo  qeybgashey kulanka ayaa lafaguray go’aanada siyaasadaha qaabayn doona mustaqbalka Daryeelka Caafimaadka Adduunka oo dhan.

Ajendaha kalfadhigu waxa uu ka kooban yahay mawduucyo aad u muhiim ah, oo ay kamidyihiin  soo jeedinta Miisaaniyada Barnaamijka 2024-2025, Istaraatiijiyadda Caalamiga ah ee Caafimaadka Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada ee (2016-2030), Qorshaha  Yoolka  Caafimaadka loo dhanyahay ee Caalamiga ah (UHC), Habraacyada  jaangooynta magacyada aaladaha caafimaadka,  iyo guud ahaan u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka dadweynaha.

Golaha Caafimaadka Adduunka waa madasha  go’aamisa hanaanka caafimaadka aduunka, waxaana isku duba rida Agaasnkeeda   Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).Madasha ayaana kulmisa sanad walba madaxda Caafimaadka Dowladaha Aduunka iyo Hay’adaha Arrimaha Caafimaadka si ay u go’aamiyaan ajendaha, siyaasadda, farsamooyinka iyo xeeladaha sida ugu wanaagsan si loo hubiyo nidaam caafimaad oo caalami ah oo  mideysan kaasoo lagu wada gaadhi karo  yoolalka Caafimaadka loo dhanyahay ( Universal Health Coverag (UHC) .

Previous articleShirka Golaha wadatashiga Qaran oo ka furmaya Muqdisho iyo faah faahino laga helayo
Next articleSAWIRO:- Saraakiil katirsan Booliska Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.