Home Afsomali Soomaaliya Oo Ka Qeybgaleysa Shir Weynaha Hay’adda Booliska Adduunka Ee Interpol

Soomaaliya Oo Ka Qeybgaleysa Shir Weynaha Hay’adda Booliska Adduunka Ee Interpol

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi ka kooban saraakiil Sarsare oo ka socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa magaalada New Delhi ee Dalka Hindiya kaga qayb galay meertada 90-aad ee Shirweynaha Booliska Adduunka ee INTERPOL

Shirka oo ay ka soo qayb galayaan madax ka kala socota in ka badan 165 dalka ayaa socon doona inta u dhexaysa 18 ilaa 21 bishan Oktoobar.

Shirka inta uu socdo ayaa looga hadli doonaa ka hortagga denbiyada maaliyadeed ee caalamiga ah, wax kaqabashada burcadda Internet-ka, la dagaallanka waxa ay ugu yeeraan argagixisada, ka hortagga denbiyada xuduudaha isaga gudba, daroogada iyo lacagaha sharci darrada ah, kuwaas oo dhammaan ka mid ah khataraha uu wajahayo guud ahaan amniga caalamku

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.