Home Afsomali Soomaaliya oo taageero uga raadinaysa beeraleyda Bankiga horumarinta Afrika

Soomaaliya oo taageero uga raadinaysa beeraleyda Bankiga horumarinta Afrika

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) oo maalmahaan safaro shaqo ku joogay dalka Masar ayaa shirar-doceedyo muhiim ah magaalada Sharm-el-Sheikh kula qaadanaya madax kale duwan oo kasoo qayb gashay shirkii Cimillada Aduunka.

Wasiir Axmed Baashi ayaa maantay Shir la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Horumarinta Africa (Africa Development Bank) ee arimaha Beeraha, horumarinta dadka iyo bulshada (Agriculture, human and social development) Ms. Beth DUNFORD iyo Director Martin FREGENE.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wadahadlay sidii Bangiga iyo wasaaaradda beeraha isaga kaashan lahaayeen la tacaalidda saameynta ay isbedelka cimilada ku yeesheen waxsoo saarka beeraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.